Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
16/09/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah 220 arday ee dhigata dugsiga dhexe ee "Nya Raketskolan" ee ku yaalla Kiruna ayaa loo oggolaaday inay guriga joogaan ka dib markii ururka macallimiinta ay codsadeen in la' joojiyo howlaha Iskoolkan, sababtoo ah waxay rumaysan yihiin in caafimaadka shaqaaluhu khatar ku jiro. Wadahadallada u dhaxeeya "afarta xisbi ee raba in ay beddelaan xukuumadda xisbiga Socialdemokraterna ay hoggamiyaan ayaa wadda wadahadalladoodii "qaab wax dhisid ah, sida qorshuhu yahay", ayuu xoghayaha xisbiga Moderaterna Gunnar Strömmer u sheegay saxafiyiinta isugu yimid xarunta xisbiga ee Stockholm. Hay'adda qaan soo celinta Iswiidhen Kronofogden ayaa masaafo kaga qaadi kartaa dadka deymaha lagu leedahay iyada oo aan looga shakin dembi la taaban karo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
15/09/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hoggaamiyaha Xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ayaa qorsheeynaya inuu bilaabo in uu soo dhiso xukuumad cusub, taas oo ku taagan xisbiyada Moderaterna, Sverigedemokraterna, Krisdemokraterna iyo Libaraalerna. Ma jiri doonto aqlabiyad ay helaan maamulka garabka bidix ee gobolka Göteborg, sida ay sheegtay P4 Göteborg, hase yeeshee magaalada Istockholm ayaa laga yaabaa inay awoodda la wareegaan. Hoggaamiyaha xisbiga Centerka Annie Lööf ayaa is casishay, iyadoo shir jaraa'id oo ay maanta qabatay ku sheegtay go'aankeeda iscasilaadaas la xiriira.
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
14/09/2022 Duration: 04minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Sicirbararka ayaa kor u sii kacay iyadoona uu bishii agoosto gaaray heer sare oo taariikhi ah 9%, marka loo barbar dhigo bishii agoosto 2021, sida ay sheegtay hayadda saadaalinta ee magaceeda loo soo gaabiyo SCB. Maxkamad degmo ayaa ku xukuntay nin 25 jir ah xabsi laba sannadood iyo bar ah, kadib markuu fal-dembiyeed kufsi ah u geeystay haweenay ey isku barteen baraha bulshadu ku kulanto ee la isku shukansado. Xisbiga Feministisk Initiativ (FI) ayaa guuldarro ka soo hoyay doorashadii sannadka 2022. Xisbiga ayaa codeeyntii barlamanka ku hantiyay 0,8% oo keliya, halka uu doorashadii 2018 oo uu hantiyay 2,3%.
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
13/09/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xaafadda Hässlehlmen oo dhacda magaalda Borås ayey doorashada sannadka ka qayb qaateen labadii qofba mid, waana mid ka hooseeysa doorashadii middan ka horreeysay ee 2018-kii. In cunista hilibka lagu bedesho noocyo kalluunka iyo xayawaanka qolfaha ku jira ee badda laga helo ka mid ah ayaa dhimi kara culayska wasakhaynta hawada, isla markaana kaga wanaagsan caafimaadka, sid ku caddaatay natiijo ka soo baxday cilmi-baaris caalami ah. Deegaan doorasheedka, xaafadaha cidhifka galbeed ee magaaladda Stockholm oo uu ku jiro deegaanka Järva ayaa tiradda dadka codkooda dhiibtay waxay u muuqdaan kuwo hoos u dhac uu ku yimid doorashadii degmada ee sannadkan. Waana mid ka fajacisay bulshada nawaaxigaa ku dhaqan.
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
12/09/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Codadka doorashada heer gobol ayaan la tirin weli, balse natiijada horudhaca ah ayaa muujineysa in meelo badan ay ka dhaceen is beddello xagga awood qaybsiga ahSida laga soo xigtay xogta hordhaca ah,ee doorashadii shaley, dadka u soo baxay doorashada ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo doorashadii horeJimmie Åkesson ayaa maanta kula qadeeay xarunta baarlamaanka ee xisbiga Moderaterna, wadahadalo ayaa u bilowday xisbiyada doonaya in Ulf Kristersson uu noqdo ra'iisul wasaare.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
09/09/2022 Duration: 03minShanta makhribnimo ee maalinta axadda 11-ka septeember illaa iyo 01:00 habeenimada 12-ka septeembar waxay laanta idaacaddu idiin soo gudbin doontaa tirada codadka doorashada ee dalka. Maxkamadda racfaanka oo markii ugu horreeysay go'aan ka gaartay rabshadihii ciidul-fusxigii ka dhacay magaalada Örebro. Soomaalida oo tirada ugu badan ee ajaaniibtu ka codeeyeen doorashooyinkii golaha deegaannada iyo gobollada sannadkii 2018. 70,1% ragga, halka haweenka soomaalida reer Iswiidhen-na codeeyeen 78,0%.
-
Wararka maanta ee Raadyaha Sweden
08/09/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ururka isutagga shirkadaha ka ganacsada cuntooyinka ayaa ayaa qaylo dhaan ka keenay qiimaha korontada oo cirka isku shareeray. Xisbiga Socialdemokraterna ayaa raba in la sii dheereeyo wakhtiga ay soconayso lacagta sida ku meel gaarka ah loogu daray kabidda kirada guryaha (bostadasbidragstilläget) ee ay helaan qoysaska carruurta leh. Magdalena Andersson oo sharraxday waxay ula jeedday ereyadii Somali Town.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
07/09/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xulka hablaha kubbadda cagta Iswiidhen oo 5 iyo 0 kaga adkaaday xalay xulka dhiggooda ee dalka Finland. Saadaalinta taageerada codbixiyeyaasha oo lagu ogaadey iney labada garab-siyaasadeed ee dalku aad isugu dhow yihiin. Dhammaan siddeeda xisbi oo baarlamanka soo wada geli doona, sida ka muuqata. Ciidanka ammaanka ee degmada Kritianstad oo baadigoob ugu jira ciddii ka dambeeysey goobo dabab la qabadsiiyey beryahan dambe ugu dambeeyn fiidnimadii salaasadii xalay.
-
Wararkii maanta ee Raadiyaha Sweden
06/09/2022 Duration: 02minMiino iswiidhish ah ee sannadkii 1931 la sameeyey oo laga helyiyada oo sabeeyneeysa biyaha jasiirrada Stockholm, middaasina oo la qarxiyey. Xulka hablaha Iswiidhen ee kubbadda cagta oo ay caaw is heli doonaan dhiggooda ee Finland.Tirada ddka horey u codeeyey oo kor u kacday 8% marka oo barbardhigo doorshadii midaan ka horreeysay haddaayoo kale.
-
Wararka maanta iyo Radio Sweden
05/09/2022 Duration: 02minMaxaabiista xabsiga Kumla oo sannadka u codeeyey si ka duwan sannadihii hore. Xukuumadda iyo mucaaradka oo u qoondeeyneya miisaaniyad dhanka ciyaaraha oo la geliyo xaafadaha danyarta, hase yeeshee wax laga bedeli doono sidii hore. Xaafadaha Rinkeby Kista oo dadka codeeyneyaa afar daloolow mid yihiin kuwo markii ugu horreeyey codeeyn kara.
-
Warark maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
02/09/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dadka hore u sii codeynaya ka hor inta aan la garin maanlinta doorashada 11 Sep ayaa kordhay sanadkaan marka la barbadhigo doorashadii tan ka horeysay 2018 Dadka hore u sii codeynaya ka hor inta aan la garin maanlinta doorashada 11 Sep ayaa kordhay sanadkaan marka la barbadhigo doorashadii tan ka horeysay 2018 kii.Qiimaha batroolka ayaa hoos u sii socda oo hadda wuxuu ka hooseeyaa 19 karoon markii ugu horeysay tan iyo bilowgii Febraayo ee sanadkan. Litirkii bensinka ah wuxuu ku kacayaa 18 krone iyo 98 öre ka dib markii laga dhimay 25 öre.Alaabada ay caruurtu ku ciyaarto ee mustacmalka ah ayaa waxaa ku jira walxo sun ah oo kiimiko ka sameeysan taas oo ay tahay in caruurtu tahay in ay si taxdar leh u isticmaalaan. Alaabada carruurtu ku ciyaarto ee aan cusbeeyn ayaa lagu talinayaa in aan dib loo isticmaalin.
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
01/09/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Sannadkii hore ayaa 11 carruur ah oo ay da'doodu u dhaxayso 10-14 jir ayaa is-dilay Iswiidhan, waana tiradii ugu badnayd muddo 20 sano ah. Hey'adda Caymiska Qaranka ayaa lacagaha ay dadka ku yeelato waqti gaaban gudihiis ay tahay in lagu bixiyoLaga bilaabo Sebtembar 1, sharciyo dhowr ah oo cusub oo loo yaqaan 'el-scooters' ayaa dhaqan galaya. Sharcigan waxaa uu mamnuucayaa baaskiillada korontada ku shaqeeya in lagu wado wadooyinka loogu tala galay in dadku ku socdaan
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
31/08/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Warshadda tamarta nukliyeerka ee Ringhals 4 ayaan awoodi doonin inay bixiso wax koronto ah muddo saddex bilood ah, ka dib markii ay ciladoowday iyadoo hadda u baahan in la dayactiro.Laba ka mid ah shaqaalihii hore ee hoyga daryeelka caruurta (HVB-hemmet) Platea ee Hagfors ayaa hadda lagu soo oogay tuhun ah inay sababeen dhimashada ilmo shan jir ah, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay dacwad oogaha.Hoggaamiyaha Xisbiga Liberaalka Johan Pehrson ayaa shaaca ka qaaday in uusan dooneeyn in ay dhacdo dowlad ay qeybka yihiin xisbiyadda SD iyo Social Demokraterna doorashada ka dib
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
30/08/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Sideed maalmod gudahooda ayaa lagu wax yeeleeyey 50 ka mid ah kameradaha xawaaraha gawarida lagu kontoroola ee gobolka Stockholm, isla markaana laga la baxay qalabka gudaha uga jiray. Xukuumadda Iraan ayaan waxba ka qabin in Sweden ay maxaabiis is waydraasadaan, sidaas waxaa sheegay safiirka Iraan u fadhiya Sweden. Iyo warar kale
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
29/08/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wasiirka Arimaha dibadda ee Yukreyn , Dmytro Kuleba oo booqasho ku yimd dalka Iswiidhen lana kulmay Ra'iisul Wasaaraha Iswiidhen Magdalena Andersson.Kobaca dhaqaalaha Iswiidhen ayaa kor u kacay, kaas oo xaqiijiyey korar gaaraya 0.9 boqolkiiba rubuci labaad ee sanadkan marka loo eego rubucii hore. Xisaabinta degdegga ah ee la daabacay horaantii xagaagan, kobaca ayaa ahaa 1.4 boqolkiiba iyo warar kale.
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
26/08/2022 Duration: 02minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Waxaa mar kale caadi noqotay in siyaasiyiintu ay albbaabada garaacaan inta lagu jiro ololaha doorashada. Toogashadii 47-aad ee sannadka oo geeri horseedda ayaa makhribnimadii khamiistii xalay ka dhacday faras-magaalada xaafadda Haninge.Shirkadda diyaaradaha ee SAS ayaa khasaartay 1.9 biyan oo koron intii u dhexeeysay May illaa Julay.
-
Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
25/08/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Shakhsigii 46-aad ayaa inta sannadkan lagu jirey toogasho xalay lagu dilay magaalada Helsingborg. Waa tiro ka badan intii qof ee toogashada lagu diley guud ahaan sannadkii tagay 2021-kii. Tiro ka badan intii hore ayaa heli doona tallaalka cudurka uu keeno fayruska "fin-daayeerka", sida ay boggeeda internet-ka ku qortay hayadda caafimaadka bulshadu. Iyo xisbiga Moderaterna oo soo jeediyay ballaan qaad doorasho inuu dhimi doo tirada soo galootiga.
-
Wararkii Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
24/08/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wiilkii 15 jirka ahaa ee toogashadda ka geeyestey xarun laga dukaameysto ee ku tiilay magaaladda Malmö, ayay hooyadii dhowr jeer qeylo-dhaan gaarsiisay hay'addaha adeega bulshada iyo ciidanka booliiska si la mid ah, sidii ay sameysay hooyada wiilkii 17-jirka ahaa ee toogashada ku dilay askarigii booliiska magaalada Göteborg bishii luulyo 2021 Qiyaas gaarsiisan 50 boqolkiiba falalka toogashooyinka ee ka dhaca deegaan-dambiyeedka gaangiska ayuu xukun ku dhacaa marka maxkamadda la hor geeyo, sida ay ku soo warrantay laanta Uppdrag granskning ee idaacadda SVT oo baaris ku sameeysay 900 oo dacwadood oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey iyo iskuul laga xiray kushinkii cuntada loogu karin jirey oo noqotay goob jiir ku noole ah.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
23/08/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ururka ganacsiga Iswiidhen oo ka digey in sicirbararka heerkiisu sareyo uu sii socon kari doono muddo dheer dayrta iyo sannadka soo socda 2023. Garoonka Landvetter ayaa yeeshay daahiddii duulimaadyada ee ugu badnaa marka loo barbardhigo dhammaan garoommada ugu waaweyn.Waxaa Hadda kordhaya tiradda guryaha iibka ah, marka loo eego tirokoobyada cusub ee Ekot ay aragtay.
-
Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen
22/08/2022 Duration: 03minWarar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xisbiga Socialdemokraterna ayaa ballanqaaday in ay tallaabo adag ka qaadi doonaan kooxaha gaangiska ah iyo inuu doonayo in tusaale ahaan loo fududeeyo in baabuur qaali ah lagala wareegi karo kooxahaa. Iswiidhen ayaa billadda maarta ku qaadatay horyaalka adduunka ee dhallinyarada xeegada barafka ee adduunka ka dib markii ay 3-1 kaga badisay kooxda Czech Republic. Telefonnada gacanta (Mobilka ) ayaa laga mamnuucay isticmaalkiisa aradada Iskuulladda dalka Iswiidhen.