Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

  • Author: Vários
  • Narrator: Vários
  • Publisher: Podcast
  • Duration: 44:58:35
  • More information

Informações:

Synopsis

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episodes

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    19/08/2022 Duration: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ururka Transparency International Iswiidhen la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa dalbanaya in dib u eegis lagu sameeyo sharciga warbixinta lacagaha xisbiyada loogu deeqo. Maxkamadda degmada ee Attunda ayaa laba nin ku xukuntay maanta dacwad la xiriirtay iney rabeen 168 malyan oo koron iney dalka dibadda uga saaraan, nimankan ayaa iska dheereeyey iney wax dembi ah galeen, laguna qabtay garoonka dayuurradah ee Arlanda. Hayadda saadaalinta hawada oo ka digeeysa roobab xooggan iyo dabeylo.

  • Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    18/08/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Iswiidhen oo u soo baxday ciyaarta semi-finalka ee tartanka adduunka xeegada barafka ee dhallinyarada. Tiro ka yar oo ilmo ah ayaa ku dhashay Iswiidhen. Halka lixdii bilood ee sannadka ugu horreeyey ey dhasheen dhallaan tiradoodu gaarsiisan tahay 54 560. Laga bilaabo khamiista maanta ayay iswiidhishka dalka dibaddiisa ku dhaqan codadkooda ka dhiiban karaan safaarradaha iyo qunsuliyadaha uu dalkani ku leeyahey dibadda,

  • Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    17/08/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Shabakadda wararka ee Radiyaha Iswiidhen oo laga xayiray internet-ka dalka Ruushka. Nawaaxiga Järva ayaanay ka dhicin toogasho sababtay dil wixii ka dambeeyay bishii jannaayo ee sannadkan. Magaaladda Malmö iyo guud ahaan dalka oo shaqo la'aantu aad u sareyso, taas oo qeyb ka noqoneysa agendayaasha doodda ee ololaha.

  • Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    16/08/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Haweeney soddomeeyo jir ah oo lagu toogtay gaari taraam ah gudaha Majorna ee magaalada Göteborg. Madaxa xukuumadda Iswiidhen ayaa Magdalena Andersson (S) ayaa soo dhoweeysay taageerada ay ka heshay hoggaamiyaha xisbiga Centerpartiet Annie Lööf. nink qirtay inuu galay falargagixisnimo.

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    15/08/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ciidanka booliiska ee magaalada Stockholm ayaa gacanta ku dhigey nin looga shakisanyahay in uu riday rasaas lala beegsaday roondo ciidanka booliska ka tirsan mar ay xalay ku sugnaayeen xaafada Rinkby ee dhacda woqooyi galbeed ee Stockholm. Hoowlihii uu ciidanka ammaanku ku ilaalinayay ololihiisii doorashada ee siyaasiga xagjirka ee daanishka-iswiidhishka Rasmus Paludan iyo rabshadihii goobahaasi ka dhacay ayay ciidanka ammaanka kaga baxday miisaaniyad gaarsiisan 43,5 malyan oo koron iyo warar kale

  • Warka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    12/08/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Musharaxiin dhowr ah oo ka tirsan xisbiga Nyans, xisabigaasina oo iska bixiya sawir inuu u doodayo xuquuqda dadka laga tirada badan yahahy iyo ka hortagga cunsuriyadda, ayaa faafiyay nacayb ka dhan ah Muslimiinta Shiicada iyo Yuhuuda, sida ey qoreen wargeysyada HD/Sydsvenskan, iyo hay'adda qaan ururinta Iswiidhen(Kronofongden ) ayaa wixii ka dambeeyay kowdii bisha Agoosto sannadkaan awood u haysata in ay qaan lawareegto ogaan iyada oo ka kaashaneysa ciidanka Booliiska.

  • Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    11/08/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Dowladda Iswiidhen ayaa nin 35 jir ah u gacan gelinaysa xukuumadda Turkiga, sida ay dowladdu u xaqiijisay laanta idaacada Ekot. Qiimaha korontada oo aad u sarreeysa ayuu xisbiga Vänsterpartiet uu hadda soo jeediyay fikir cusub oo la micno ah in sidii qiimaha hoos loogu dhigi lahaa dalka gudihiisa, halka korontada la dhoofiyo ay tahay in lagu sii iibiyo qiimaha suuqa, iyo wakhtigii sugitaanka baarsaboorrada cusub oo la fileyo inuu caadiyan ku soo noqdo bilaha oktoobar - noveembar.

  • Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    10/08/2022 Duration: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Madaxweynaha Yukreyn Volodymyr Zelenskyy ayaa war uu jeediyay ku dalbanaday in muwaadiniinta Ruushka laga joojiyo u safridda wadammada reer Galbeedka iyo Dhulgariir cabirkiisu dhan yahay 2.6 ayaa ka dhacay habeennimadii xalay, magaalada Kramfors ee waqooyiga magaalada Lungvik ee dalka Iswiidhen iyo warar kale.

  • Wararkii maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen

    08/08/2022 Duration: 02min

    Treemmada ka socdaala Gävle oo shan maalmood xirnaan doona dayactir daraatiid. Welwelka laga qaado marka shaqada dib loogu noqoneyo fasaxa kuleeylaha dabadii iyo yeey xoolo leysey.

  • Maanta iyo wararkii radio Sweden

    05/08/2022 Duration: 03min

    Tobbankii qofba mid ee dalbaday baasaboor cusub ayaa ka baaqsada ballantii loo qabtay. Dabeeyllo iyo roobab ku dhiftay Waqooyi-galbeed ee Götaland iyo Svealand oo sababay in tareemmadii isaga gooshi jirey Göteborg iyo Istockholm hakado. Eedeysanihii loo heeystay dilkii Ing-Marie Wieselgren oo lagu dilay Visby oo la sheegay in uu qabo xanuun maskaxeed halis ah.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    04/08/2022 Duration: 02min

    Dawladda oo malaayiin canshuur ah ka hesha sicir bararka haatan socda. Tan iyo sanadii 2015-kii markii gudniinka gabdhaha lagu sifeeyey dembi adag lana soo saaray qodob sharci mamnuucaya, ayaa booliska gobolka Stockholm ey soo gaareen 50 kiis oo looga shakisan yahay gudniinka. Hay'adda Saadasha cimiladda ee SMHI oo soo saartay digniin la xirriira dabeeyllo roobab wata oo ku soo Götaland iyo Svea.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    03/08/2022 Duration: 03min

    Xisbigga Liberalerna oo taageero ku helay hindisaha ah in hayadda kormeerka Iskuullada la siiyo awood ay ku joojin karto faa'iido qaybsiga dugsiyada madaxbannaan ee aan howlahooda si sax ah u maareyn. Heerka dulsaarka oo sara u kac ku yimid oo saameyn ku yeeshay CSN-ta iyo qoddobo kale.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    02/08/2022 Duration: 03min

    Tirada dadka Norway ee u safra Iswiidhan si ay uga soo dukaameystaan oo hoos u ku yimid. Xarrumaha daryeelka ee Stockholm oo saaran caddaasi xoogan oo la xirriira Covid 19. Markii ugu horeysay muddo shan bilood ah, oo litirkii bansiinka ah ka hoos maray 20 kr.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    01/08/2022 Duration: 02min

    Dilalka toogashada oo kordhay xilli boolis dheeraad ah oo gobolada laga keenay ka howl galayaan xaafadaha Stockholm. Xafladii kooxaha isku jinsiga ah oo maanta bilaabatay, iyo badhigga Järva filmfestival oo Stockholm ka bilaabaneeysa.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    29/07/2022 Duration: 03min

    Boqolaal shaqo oo cusub ayaa ka bannaan hoteellada iyo maqaayadaha Göteborg, xilli boqolaal qof Göteborg ay ka raadsanayaan shaqo maqaayadaha iyo hoteellada. Dawladda oo doonaysaa in la yareeyeo xadka da'da lagu beddelka jinsiga ee diwaanka dadweynaha. 85 qof oo qaaday fin daanyeerka oo Iswiidhan laga helay Iswiidhen.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    28/07/2022 Duration: 03min

    Koboca dhaqaalaha Swiidhan oo intii hore ka soo yara hagaagaya. Baaskilada korntada ee Sparkcykel oo laga mamnuucayo jidadka iyo wadooyinka lagu socdo. Wiilkii 18 jirka ahaa ee loo heeystay dilkii labbo macalin oo wax ka dhigi jiray dugsiga Malmö Latin oo la sii gabo gabeeyey.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    27/07/2022 Duration: 03min

    Cabbir lagu sameeyey biyaha bulaacadaha ee magaalada Göteborg oo muujiyay heer sarreeya oo caabuqa Corona ah. Wasiirka difaaca Iswiidhen oo sheegay inaanu waxba ka qabin in la soo rogo canshuur lagu maalgeliyo adkeeynta dhismaha difaaca. Guul darraddii xalay qabsatay gabdhaha kubbaada cagta Iswiidhan oo fal celin abuurtay.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    26/07/2022 Duration: 03min

    Maxkamada Malmö oo ay ka socoto dhageysiga dacwadda wiil 18 jir ah oo lagu tuhunsan yahay dilkii labo macallin oo lagu dilay dugsiga sare ee Malmö Latin. Tallaalkii ugu horreeyey ee fin-daanyeerka ayaa la geeyey gobolka Dalarna. Siyaasiyad iyo qoraaga caanka Marit Paulsen oo geeriyootay,

  • Maanta iyo wararka Radio Sweden

    25/07/2022 Duration: 03min

    Muwaadiniinta dibada ku dhaqan oo muddo laba bilood kadib lumin doona gunnada dammaanadda howlgabka ee (garantipension). 2 sanno ka dib oo dalxiiska galbeedka Iswiidhan soo iftiimayo. Hakad ku yimid tareenadda shirkadda MTR.

  • Maanta iyo wararka radio Sweden

    22/07/2022 Duration: 02min

    Maxkamadda Linköping oo xukun xabsi ah ku riday saddex nin oo lagu soo oogey dembiyo. Xulka kubada cagta gabdhaha Iswiidhan oo caawa Beljim wajahaya. Iyo nin dhalinyaro ah oo Malmö lagu dilay.

page 41 from 50