Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

  • Author: Vários
  • Narrator: Vários
  • Publisher: Podcast
  • Duration: 44:58:35
  • More information

Informações:

Synopsis

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episodes

  • Wararka maanta ee Raadiyo Sweden

    17/10/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Baarlamaanka Iswiidhen ayaa hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ugu codeeyay maanta inuu noqdo  ra'iisul wasaare dalka.Xubnaha xisbiga Liberalrna ee gobolka Istockholm ayaa qoraal ay ku dhaleecaynayaan hoggaanka xisbiga iyo heshiiskii "Tidöavtalet" oo wata magaca goobtii ku dhacay, soo saaray, sida uu qoray wargeeyska Svenska Dagbladet.Muddo sannado ahba waxaa hoos u sii dhacayey tirada qoysaska carruurta leh ee guryaha laga saaro. Lixdii bilood ee sannadkaan u horreeysay ayey 269 carruur ahi waxay noqdeen hoy la'aan ka dib markii waalidkood guryihii laga saaray.

  • Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    14/10/2022 Duration: 04min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Afhayeenka baarlammaanka Sweden Andreas Norlén ayaa maanta war saxafadeed uu qabtay awuxuu uga warramay geeddi socodkii ay soo martay hawsha xukuumad dhisidda ka dib doorashii dhacday 11 septemberGuri la xabadaeeyay saakay aroortii oo ku yaal Lunden oo dhacda bariga Göteborg ayaa waxaa deggen haweeney boolis ah sida uu soo tebiyey P fyra. Göteborg, iyo warar kale.

  • Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    13/10/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Sicir bararka ayaa weli sii kordhaya. Bishii Sebtembar ee tagtey ayuu sicir-bararku gaaray 9.7 boqolkiiba, marka loo eego tirooyinka hay'adda tirakoobka iyo saadaasha Iswiidhen ee SCB. Waa heerkii ugu sareeyey ee sicir bararku gaaro muddo 30 sano ah dalkan.Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ayaa u yeertay dublamaasiyiin ka kala socda dalalka Sweden, Germany iyo Denmark, si loo baaro qaraxyadii dhuumaha gaaska ee Nord Stream ee badda Baltic-ga. Iyo warar kale.

  • Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    12/10/2022 Duration: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Kiis-maxkamadeed ka bilowday magalaada Skellefteå.Hogaamiyaha xisbiga Moderaterna Ulf Kristersson ayaa muddo labo maalmood oo hor leh ka codsaday gudoomiyaha baarlamaanka. Ururka lagu magacaabo Tayo oo ka dhisan degmada Borlänge ayaa howlgal-fiican ka geeystay sidii looga gacan-qaban lahaa soomaalida dalkan yimaada.

  • Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    10/10/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah In kasta oo sicir barar jiro, isla markaasna waddammada Europa iyo Markeeykanka ay maciishaddii aad u qaaliyoowday, haddana sida uu qabo Dilip Ratha oo madax dhaqaaleed ka ah bangiga adduunka ayaa sheegay in lacagaha la xawilo ay sii badan doonaan sannadkaan.Maxkamadda racfaanka ayaa xaqiijisay go'aankii maxkamadda degmada ee la xiriiray laba qareen oo u gudbiyey xogtii ciidanka ammaanka eedeeysaneyaal iyaga oo isticmaalaya aaladda Encrochatt. Sidee dhallaanka loo bari karaa in aan oogadooda lagu xadgudbin, mashruuc ururka badbaadinta dhallaanku bilaabay.

  • Wararka maanta iyo Raadiyo Sweden

    07/10/2022 Duration: 03min

    Qof ayaa ku geeriyooday, halka uu of kalena uu ka soo gaaray dhaawac halis ah toogasho shalay ka dhacday xaafadda Saltskog ee degmada Södertälje. Waddanka Ruushka ayaa dalbaday in uu xogogaal u noqdo sida ay u socdaan baarista lagu samaynayo wixii sababay qaraxii dhuumaha Nord Stream. Dacwad ayaa maanta lagu soo oogey nin horey macallin uga ahaan jirey dugsi ka mid ah dugsiyada hoose/dhexe ee magaalada Västerås. Ninkan ayaa lagu soo eedeeyey falal-dembiyeedyada kufsi iyo faraxumeeyn

  • Wararka maanta iyo Raadiyaha Iswiidhen

    06/10/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Xeer ilaaliyaha ayaa go'aan ku gaaray in laga qaado xanibaadda agagaarka Nordstream 1 iyo 2 ee badda Östersjön. Nin deggan magaalada Gävle ayey maxkamadi xukuntay ka dib markuu bishii oktoober ee sannadkii 2021 ugu hanjabay inuu dili doono Peter Hultqvist oo ka soo jeeda Borlänge ahaana wasiirkii gaashaandhiga ee xukumadai socialdemokraterna. Degmooyinka Säffle iyo Åmål iyo nawaaxigooda ayaa saakay aroortii waxaa ka dhacay dhulgariir.

  • Wararka maanta iyo Raadiyaha Sweden

    05/10/2022 Duration: 03min

    323 bukaan oo u xanuunsan covid-19 ayaa lagu daweeyneyaa cisbitaallo ku yaala gobolka Istockholm, tiradas ayaa ah mid sii kordheysa. Qiimaha korontada ayaa aad hoos ugu sii dhacaya waddanka oo dhan. Doorashadii dalka ka dhacday ee sannadkaan 2022 ayay 3% hoos u dhacceen dadka codkooda dhiibtay, marka loo barbar dhigo middii ka horreeysay ee 2018, sida uu muujiyey tirakoobka hayadda SCB.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    04/10/2022 Duration: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Hayadda tamarta oo bilaabeeysa olole bulshada lagu dhiirigelineyo inay yareeyaan isticmaalka korontada. Wax soo saarka Iswiidhen ee sannadka 2023 oo uu Danke Bank saadaaliyey inuu hoos u dhici doono 1,4%, islamarkaana shaqa-la'aantu kor u kacdo oo ay gaarto 8,2%. Maalinta burka qorfaha leh ee lagu magacaabo "Kanelbulle.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    03/10/2022 Duration: 05min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Mid ka mid ah saddexdii nin ee sannadkii 1999 loo xukumey iney dil toogasho ah ugu geeysteen saraakiil boliis ah agagaarka degmada Malexander ayaa xabsiga laga soo daayey.Koxda kubbadda cagta hablaha ee Rosengord oo qaybta ka ah tartanka isreebka horyaallada – Champions League ayaa qorituurkii ku soo aadday kooxo aad u culus oo ay ka mid tahay Barcelona oo saddex ka mid ah afartii faynal ee ugu dambeeyey ee Yurub qaybta ka ahayd.Haween iyo carruur ku soo laabtay Iswiidhan ka dib markii ay xiriir la yeesheen IS, waxaa Örebro ku nool saddex carruur ah iyo laba qof oo waaweyn oo ka mid ah dadka ku soo laabtey Iswiidhen.

  • Wararka maata ee Radiyaha I swiidhen

    30/09/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Iswiidhen ayaa mar kale furayasa u dhoofinta agabka ciidamada dalka Turkiga.Xisbiga Sverigedemokraterna oo markii hore aan haba yaraatee wax kuraas ah lahayn hoggaanka guddihoosaadyada baarlamaanka ayaa hadda helay guddoomiyeyaasha golayaasha sida guddihoosaadka cadaaladda iyo arrimaha dibadda, suuqa shaqada iyo guddihoosaadka suuqa ganacsiga.

  • Wararka Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    29/09/2022 Duration: 04min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Degmada Karlskoga ayaa noqotay mid ka mid ah degmooyinkii dalka ugu horreeyey ee ku casunta shaqaalaheeda mushaarkooda 100-kiiba boqol marka uu waalidku galo fasaxa ilmaha.Abaalmarinta Rights Livelihood ayaa sannadka waxaa ku guuleeystay (hantiyay) dad ka soo jeeda waddammada Soomaliiya, Yukrayn, Fenesuweela iyo YugaandhaGuusha kooxda hablaha iswiidhishka FC Rosengård ee kubbadda cagta oo qeyb ka ah horyaalka Champions League ayaa haatan diyaar u ah heerka group-yada ka dib markii ay 3-1 ku adkaadeen ciyaartii ugu danbeysay ee isreebreebka oo ay gurigooda kula ciyaareen kooxda Norway Brann fiidnimadii arbacadii shalay (celcelis ahaan 4-2 gool)

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    28/09/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ka dib dhacdadii ka dhacday tareenada dhulka hoostiisa mara ee magaaladda Stockholm ee xagaagan, markii nin ku dhintay howlgal ay sameeyeen koox waaridyeyeaal ah /ilaaladii goobta.Hayadda saadaalinta hawada ayaa uga digeeysa nawaaxiga koonfur-bari ee dalka Iswiidhen roobab badan oo halis u ah iney daadad ka dhashaan. Bulshada reer Iswiidhen oo barkood wax ka bedeleen kharashaadka adeegyadooda.

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    27/09/2022 Duration: 04min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Su’aallo lagu weydiiyey dhallinyaro gaarsiisan 32 469 oo isugu jira rag iyo haween oo ku dhaqan 2 ka mid ah waddammada EU oo Iswiidhenna ay ka mid tahay ayaa lagu ogaaday in dhallinyarada wiilashu ka cabsi qabaan xuquuq dheeri ah oo la siiyo haweenka. Halka ragga waaweyni middaa dooneyaan. Waddammada ugu badan ee fikirkaa qabey ayaa ah kuwa shaqa la’aanta dhallinyaradu ku badan tahay. Waa arrin lala yaabo,sida ay sheegtay cilmibaaraha Gefjon Off.Wafdi ka socda dalka Iswiidhen oo toddobaadka foodda innagu soo haya u ambabixi doona dalka Turkiga si uu ugala xaajoodo dalabkii dalka Iswiidhen ee xubinnimada gaashaanbuurta NATO.Xulka kubaadda cagta Iswiidhen oo caawa kulan adag la leh xulka qaranaka Slovenia.

  • Wararka maanta ee Radiyaha Iswiidhen

    26/09/2022 Duration: 03min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Afhayeenka baarlamanka Iswiidhen Andreas Norlén oo mar kale loo doortay inuu jagadaasi sii hayo afarta sannadood ee foodda innagu soo haysa. Ugu yaraan 15 qof oo deggenaa xaafadda Biskopsgården iyo toban kale oo ku dhaqnaa nawaaxiga Lundby iyo Backa ee xaafadda Hisingen ee magaalada Göteborg, ayaa horey ugu biirey ururka xagjirka ah ee Daacish ee ka dagaalama Suuriya. Iyo warar kale

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    23/09/2022 Duration: 02min

    Warka Raadyaha Sweden Xildhibaannada baarlammaanka Sweden oo isniinta foodda innagu soo haysa dooran doona af-hayeenkii baarlammaan.Go'aankii xukuumadda ee ahaa in ay qaar ka mid ah wakhtiyada fasaxa iskuulka la dhigto ayaa waxaa ka hor yimid macallimiin badan.Sannadka foodda innagu soo haya ayaa caqabad ku noqon doona shirkado badan kolka si aad ah kor loogu qaado qiimaha kirooyinka.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    22/09/2022 Duration: 04min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Boliiska oo in kasta oo uu helay miisaaniyad dheeri ah haddana aan ka soo bixin sidii cadaaladda loo hor keeni lahaa tiro ka badan waxa lagu magacaabo ”mängdbrott”Naag la sheegay in d’adeedu u dhaxayo 20 ilaa 25 jir, kuna nool degmada Ronneby ee gobalka Blekinge ayaa boolisku u xireen tuhun ah in ay  cunug yar oo ay dhashay ay jir dishay.Mid ka mid ah saddexdii dumara oo swedish ah oo da’dooduna u dhaxayso 18 ilaa 21 jir ayaa sheegtay in sannaddkii la soo dhaafay ay soo wajaheen xadgudubyo la xiriira galmo,

  • Wararka maanta ee Raadyaha Sweden

    21/09/2022 Duration: 03min

    Xisbiga dhawaan la aasaasey ee "Nyans" oo ku guulaystay kursi golaha deegaanka ee degmada Landskrona. Dhakhtar ka hawlgalo gobolka Småland ayaa sheegay war xaqiiq ahayn oo ku saabsan in talaalka covid-19 uu kor u qaadi karo halista kansarka. Kubbad la ciyaaro iyadoo aan la ordin oo xiiso gelisay waayeel badan.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden

    20/09/2022 Duration: 03min

    Garabyada kirooyinka guryaha oo uu u socda wada-xaajoodkoodii ku saabsanaa qiimaha kor u qaadidda sannadka foodda innagu soo haya kirooyinka 1,5-ta malyan hooy ee kirada loogu jiro. Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wali sii wada dhaliisha Iswiidhan, isagoo Iswiidhan ku tilmaamay dal argagagixisada hoy u ah. Tirada dadka lacgta ka daymanaya Bangiga rahmadda ayaa kor u kacday inta u dhaxaysa 20% ilaa 30 % marka la barbar dhiga xilligaan oo kale sannadkii hore.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    19/09/2022 Duration: 03min

    Afhayeenka baarlamanka oo maanta u xilsaaray Ulf Kristersson (M) inuu ka soo baaraandego dawlad aqlabiyad haysata inuu soo dhiso. Bulshada ku dhaqan gobolka Skåne oo hoos u dhigtay isticmaalka korontada. Nin siyaasi horey uga tirsanaan jiray xisbiga SD oo maxkamadda racfaanku ku xukuntay 16 sano xukun ay horay ugu riday maxkamadda degmada Nyköping kadib markuu nin xabbad madaxa kaga dhuftay maydkiina jarjaray.Xabbadda ayaa kam'a ahyd sida uu ninku qqirtay.

page 39 from 50