Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

  • Author: Vários
  • Narrator: Vários
  • Publisher: Podcast
  • Duration: 22:47:19
  • More information

Informações:

Synopsis

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison

Episodes

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    15/08/2024 Duration: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Saddex qof oo rummaanka loo dhigey faldembiyeed oo ka dhacay xaafadda Södermalm ee Stockholm.Saddex qof oo kale oo lagu soo oogey iney ka dambeeyeen dil nin soddomeeyo jir ah xaafadda Fittja bishii maarso 2024.Xukuumadda oo u magacawday agaasimeyaal cusub heyadda hoggaanka bulshada iyo wakaaladda kastamka.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    14/08/2024 Duration: 02min

    Maxkamad Jarmal ah ayaa u yeertay muwaadin reer Yukreeyn ah, kaas oo looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa qarxinta dhuumaha gaaska Nord Stream ee badda Baltikada ee sanadkii 2022. Kiiskii Baaritaanka ka dhanka ahaa wasiirkii hore ee gaashaandhigga dalka Ciraaq Najah al-Shammari ayaa la xiray. Waxaa si isa soo taraysa isla markaana noqonaysa wax caadi ah in askarta booliisku ay shaqadooda ku waayaan sababo la xiriira habdhaqan aan habboonayn.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan

    13/08/2024 Duration: 02min

    Waxaa hadda caddaatay inuu sarkaal ka tirsan boliiska uu ka howlgeli doono dalka Danmark, sida ay ku warrantay laanta idaacadda ee P4 Malmöhus. Maxkamadda sare ee Sweden ayaa go'aan ku gaartay inaanay furi doonin dacwaddii la xiriirtay gabar yar oo waalidkeed ey ku sumeeyeen khal magaalada Eslöv. Boliiska dalka Noorwey ayaa doonaya inuu bilaabo wadashqeeyn kormeerid howlgal ah oo uu la yeesho boliiska iswiidhishka.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Swiidhen

    12/08/2024 Duration: 02min

    Haweeney u geeriyootey dhaawac ka soo gaarey shil baabuur magaalada Linköping iyo qaar kale oo ku dhaawacmey. Sicirka cuntada oo kor u kacay 0,2 boqolkii bishii luulyo. Qajaarka iyo baradhada ayaa ugu qiime kac sarreeya. Ciyaartooydii qaaddey billaddii dahabka Olombikada David Åhman iyo Jonatan Hellvig ayaan todobaadkan ka qeyb geli doonin tartanka adduunka ee kubbadda laliska xeebta ee dalka Holland. Dacwad maanta ka furantay Stockholm soconna doonta 24 maalmood oo 8 nin la hor keeney.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    09/08/2024 Duration: 02min

    Dalka Danmark ayaa adkeeyay baarista xuduudda uu la wadaago Sweden. Ninkii horaantii todobaadkan loo xiray tuhun dil ah ee magaalada Malmö, ayaa hadda dacwad oogayaasha ka codsadeen in xabsiga la dhigo. Shirkadaha raashinka ee soo saara miraha sida malmalaatada iyo casiirka ayaa lagu qasbay labadaba, ogeysiis iyo shaqo joojin.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    08/08/2024 Duration: 02min

    Wixii ka dambeeyay bishii abriil ee sannadka ayey 25 kiis oo xiriir la leh gaaniska reer Iswiidhen ey ka dhaceen dalka Danmark. Qiimaha lacagta koronka Iswiidhishka ayaa kor usoo kacay marka loo eego doloarka iyo euro-da labadaba. Baabuurta tijaabooyinka ee Yurub ayaa xilliyada soo socda lagu wadaa in lagu daabulo tareemmo wadada xadiidka gudaha.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    07/08/2024 Duration: 02min

    Intii lagu guda jirey bishii Luulyo ayey 19 qof biyo ku harqadeen. Nin iyo naag ayaa lagu qabtay xuduudda Iswiidhishka, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay qarax fiidnimadii xalay ka dhacay magaalada Kobenheegan. Nin 27 jir ah ayaa lagu xukumey rummaanka, midkaasi oo lagu tuhunsanaa toogashadii geerida sababtay ee ka dhacday xaafadda Midsommarkransen oo dhacda koonfurta magaalada Stockholm.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    06/08/2024 Duration: 02min

    Boliiska ayaanay hadda u muuqan xiriir cad oo ka dhexeeya saddex qof oo ku geeriyoodey magaalada Skelleftå, kuwaasi oo ka wada shaqeeyn jirey warshadda Northvolt. Nin 35-meeyo jir ah ayaa lagu soo oogey dacwad ka dhan oo la xiriirta isku day dil. Magaalada Inka oo dhacda nawaaxiga Machu Picchu, dalka Peru ee koonfurta Ameerika ayaa ugu sarreeysa liiska goobaha ey jeclaan lahaayeen iswiidhishku iney booqdaan.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    05/08/2024 Duration: 02min

    Labo nin ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii looga shakiyay inay ku lug lahaayeen dilka wiil 25 jir oo ka dhacay magaalada Borås. Safarada hawada ee gaaroonka dayuuradaha Landvetter ayaa kordhay. Tirada dalxiisayaasha Iswiidhishka ah ee uu ku dhacay xanuunka caloosha ee laga qaado dibadda ayaa kordhay sannadkan.

  • Maanta iyo wararka raadiyaha Iswiidhen

    02/08/2024 Duration: 02min

    Ciyaaryahanka reer Iswiidhen eeTruls Möregårdh ayaa u soo baxay cayaarta faynalka ee kubbadda miiska ee ciyaaraha Olombikada Baariis. Degmada Sunne ee gobolka Värmland ayaa xabsiga loo taxaabay siyaasi ka tirsan maamulka degmada, kaas oo looga shakisan yahay inuu isku dayey inuu dillo nin ay saaxiibo ahaayeen.

  • Maanta iyo wararka raadiyaha Iswiidhen

    01/08/2024 Duration: 02min

    16 jir iswiidhish ah ayaa lagu tuhunsan yahay isku day dil oo ka dhacay xaafadda Nørrebro ee magaalada Kobenheegan. Xiisaha loo qabo gawaarida Korontada ku shaqeeya oo hoos u dhacay. Barka koonfureed ee dalka oo cimilo wanaagsan yeelaya doona halka ey roobab xooggan oo sahlan ka di'id doonaan wqooyiga.

  • maanta iyo wararkii ugu dambeeyey ee raadiyaha Iswiidhen

    31/07/2024 Duration: 02min

    Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah  Ra'iisul wasaaraha Iswiidhen Ulf Kristersson oo mar kale ku celiyay digniinta ah in aan loo safrin Lubnaan. KooxdaTaalibaan oo jaray xiriirkii ay la lahaayeen dhowr safaaradood oo ay caalamka ku lahaayeen, eyna ku jirto safaaradda uu dalkaasi ku leeyahay Stockholm. Toddobo qof oo u dhaqdhaqaaqa cimilada oo xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay isku dayeen inay ka hortagaan goob macdanta laga qodo oo ku taalla Grimsås ee degmeda Tranemo. 

  • Maanta iyo wararka raadiyaha Iswiidhen

    30/07/2024 Duration: 02min

    Labbo qof oo meydkooda laga dhex helay gaari gubtay oo loo maleeynayo inay u dhasheen Ingiriiska. 50 jir ka shaqeyn jiray goobaha adeegyada guryaha loona heeystay dilkii haweeney da' ah inuu dilay oo xabsi daa'inlagu xukumay. Qaar ka mid ah kooxaha heesaha dhaqanka Iswiidhen ee lagu magacaabo dansband oo ka cabanaya Rribada dahsoon ee heesaha dhaqanka.

  • Maanta iyo wararkii ugu dambeeyey ee Raadiyaha Iswiidhen

    29/07/2024 Duration: 02min

    Wiil 15 jir ah ayaa loo xiray ku lug lahaansho looga shakisan yahay dil ka dhacay Bagarmossen oo dhacda koonfurta Stockholm horaantii bishii Luulyo. Toogasho ka dhacday magaalada Jävla ayaa lagu dhaawacay saddex ruux kuwaas oo midkood markii dambe uu u dhintay dhaawicii ka soo gaaray. Waddada E 45 ee barbar marta Lilla Edet,ayaa la filayaa in dib loo furo 24saacadood gudood.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    26/07/2024 Duration: 01min

    Caawa waxaa magaalada Paris ka furmaya ciyaaraha Olimbikada. Sannadkan iyo sannadaha soo socdaba waxaa la filayaa inay Iswiidhen magangalyo doon u soo doontaan dad ka tiro yar intii hore. Inta lagu jiro bisha Juun, shaqo la'aantu waxay ahayd mid halkeeda taagan marka loo eego bishii hore.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    25/07/2024 Duration: 02min

    Inkasta oo xiise ballaaran loo hayo difaaca madaniga ah ayey askar kummanaan gaareya uga baxeyaan wakhtiga oo ku yar. Wiil 18 jir ah ayaa loo qabtay qarax ka dhacay Upplands Väsby arbacaddii shalay, sida ay ay ku soo warrantay laanta idaacadda ee P4 Stockholm. Qiimaha daroogada amfetamin ee dalka Iswiidhen ayaa taariikhiyan ah mid hooseeysa.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    24/07/2024 Duration: 02min

    Maamule shirkad dhisme ah oo ku taal Stockholm ayaa lagu soo oogay, waxyaabo oo ay ka mid yihiin ku danayasiga dadka u shaqeeya shirkadda. Gabadhii la tuhunsanaa in lagu dilay magaalada Landskrona ayaa noqotay gabadh ay da'deedu ahayd dhallaanka dhigta dugsiga dhexe. Shirkadda difaaca ee Saab ayaa dhamaystirtay dalabka balaayin ku baxayso ee nidaamka difaaca iyo qalabka difaaca oo loogu talagalay waddan reer galbeed ah oo aan la magacaabin.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    23/07/2024 Duration: 02min

    Nin 20 jir ah ayaa lagu xukumay 16 sano oo xarig ah kadib markii uu nin oday ah ku dilay degmada Åstorp. Ku dhawaad 20,000 oo shatiga ama leeysanka baabuurta ayaa lala noqday qeybtii hore ee sanadkan, sida ay sheegtay hay'adda hoggaanka gaadiidka ee Iswiidhen. Ka hor inta aan la gaarin bandhig dhaqameedka Ereteriya iyo banaanbaxa looga soo horjeedo xafladda ee sannadkan, booliska Stockholm ayaa ku baaqaya in gargaar lala soo gaari doono.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen

    22/07/2024 Duration: 02min

    Haweeney ayaa lagu eedeeyay inay ku sumeysay gabadheeda oo saddex sano jir ah daroogo. Bartamaha magaalada Malmö, ayaa qof loo qaaday isbitaal ka dib markii xalay gaari xawli dheereya ku socda uu ku galay goobta maxaddada basaska. Maalinta khamiista ayuu furmi doonaa bandhig dhaqameedka Eritreyaanka oo sannadkii hore ku dhammaaday rabshado.

  • Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan

    19/07/2024 Duration: 01min

    Nin ayaa ku geeriyooday kadib markii uu ku qarqamay magaalada Norrtälje. Maxkamadda racfaanka ee Svea ayaa xaqiijisay in lagu xukumay kow iyo toban sano iyo toban bilood oo xarig ah nin 41 jir ah. Aaladda Tiktok ayaa xirtay 35 akoon oo been abuur ah oo la rumeysan yahay inay u xaglinayeen ama caawinayeen siyaasadda iyo ajendaha xisbiga Sverigedemokraterna.

page 6 from 25