Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
12/09/2024 Duration: 02minShaqo la'aanta oo dalka ku sii kordheysa . Dadka iswiidhishka ee u safra dalka ingiriiska ayaa lagu soo rogeyaa iney bixiyaan lacag gaareysa 130 karoon laga bilaabo bisha abriil ee sannadka 2025. Tababar NATO oo ka socda Iswiidhen. Magaalada Göteborg xaq uma laha inay go'aansato qaadacaadda alaabooyin laga keeney dalal kale.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
11/09/2024 Duration: 01minCalaamadda biloowga xilliga dayrta ee la hubo ayaa ah nooca shimbirta loo yaqaano booloboolada ku hakada ama joogsada balliga Hornborga iyaga oo u sii socda dhanka koonfureed. Xukuumadda ayaa nidaamka sharciga caddaalada (garsoorka) u qoondeenayso lacag dhan 3.5 bilyan oo cusub oo miisaaniyadda sanadka soo socda ah. Waxaa shalay magaalada Koobanheegan ee caasimadda dalkaasi Denmaark lagu xiray wiil 18 jir ah oo Iswidhish ah, kaas oo lagu eedeeyay isku day dil iyo dambiyo hub ah
-
Warark maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
10/09/2024 Duration: 03minMadaxda ayaa ugu khamri cab badan, marka loo barbardhigo dhammaan xirfadleyda kale oo dhan. Laba kiis oo ah cudurka jadeecada ayaa aakhirkii bishii agoosto laga heley cusbitaallada magaalooyinka Luleå iyo Piteå. Lacag sunuud ayh oo ka sameeysan qalin oo carab ah, kana soo jeeda qaniyadii 800 ama 900 ayaa laga heley agagaarka Lummelunda ee jasiiradda Gotland.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
09/09/2024 Duration: 02minWasiirka sinnaanta Paulina Brandberg (L) waxay doonaysaa in shaqaalaha dugsiyada barbaarinta ay u soo gudbiyaan warbixin marka carruurta yaryari ay xiran yihiin xijaabka. Qiimaha Batroolka, Naaftada iyo Naaftada biodieslka ayaa hoos loo sii dhigay Isniintii. Hogaamiye kooxeed si caalami ah loo baadi goobayay muddo saddex sano ah, ayaa Jimcihii lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Arlanda.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
06/09/2024 Duration: 02minQof ayaa la qabtay loona xiray isaga oo looga shakisan yahay dambi argagixiso oo ka dhacay Iswiidhen maalinta Arbacadii. Xisbiga Socialdemokraterna ayaa taageeray soo jeedinta ah in carruurta da'doodu ka yar tahay 15 sano awood loo yeelan karo in la dhageysto taleefoonnada inta lagu jiro dembi baarista. Sarkaal hore oo ka tirsanaan jiray qeeybta baasaboorada ee hay'adda booliska Iswiidhen ayaa lagu soo oogay dacwad.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
05/09/2024 Duration: 02minIswiidhen ayaa ku guuleeysatay billaddii labaad ee tartammada ciyaaraha Paralympikada ee ka socda magaalada Baariis. Laba dhallinyaro Iswiidhish ah ayaa lagu soo oogay dacwad isku day dil oo ka dhacay dalka Denmark. Wakiilka ka hortagga takoorka ee magaciisa loo soo gaabiyo DO ayaa helay siddeed eedsheegad ah oo ku saabsan cuntada iskuulaadka laga cuno.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
04/09/2024 Duration: 02minWiilashii da'da yaraa ee dhaawacyada culusi ka soo gaareen biriqdii ku dhacday oo caafimaadkoodu ka soo wanaagsanaaday. Wiil da'yar ah oo dhigta dugsi hoose dhexe oo ku yaalla degmada Huddinge oo saaka toogasho lala beegsaday. Kuleeylkii cadceedda ee abid ugu kululaa taariikhda Swedene bisha sebteember 31,1 digrii.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
03/09/2024 Duration: 02minXukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna, (SD) ayaa maanta shir ku soo bandhigey qorshe la xiriira miisaaniyadda deyrta. Boliiska degmada Eskilstuna ayaa go'aansaday inuu laba goobood ku soo rogo xeerka goobaha ammaanka ah. Amiirad Sofia iyo seeygeeda amiir Carl Philip ayaa sugaya ilmo hor leh oo u dhasha, sida lagu qorey shaashadda qasriga boqortooyada.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
02/09/2024 Duration: 02minBooliska magaalada Malmö ayaa bilaabay howlgal gaar ah oo ay ugu magacdareen 'Albert', sida uu qoray wargeyska Aftonbladet. Nin booliis ah ayaa waxaa baaraya rugta xeer ilaaliyaha gaarka ah ka dib markii uu casuumaad xiriri jinsi u diray haweenka da'da yar ee nugul, kuwaas oo uu la kulmay isaga shaqadiisa ku jira. Iibka gawaarida cusub ayaa hoos u dhacay, sida uu shegay ururka warshadaha ee Mobility Sweden.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
30/08/2024 Duration: 02minShir jaraa'id ayaa maanta lagu sheegay in illaa hadda Iswiidhen laga heley oo keliya hal qof nooca culus ee cudurka m-pox. Badankood dukaammada dalka ka furan ayaa weli qaata lacagta caddaanka ah. Waxaa kor u kacdey tirada shilalka geerida sababa iyo kuwa la xiriira shaqada ee shirkadaha dhismaha.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
29/08/2024 Duration: 02minQof ayaa loo qabtay tuhun inuu gacan ka geeystay dilkii laba muwaadin oo Ingiriis ah. Dhaqaalaha wax soo saarka Sweden BNP, ayaa hoos u dhacay 0,3 boqolkii rubicii bilaha sannadka ee labaad, (abriil-juun) marka loo barbardhigo rubicii ka horreeyay (janaayo-maarso). Haweenka ayaa uga badan iney tagaan dhakhtarka ilkaha marka loo barbardhigo ragga. Magaalooyinka Sweden ee Uppsala, Umeå iyo magaalada Faro ee dalka Portugal ayaa ah magaalooyinka Yurub kuwooda ugu hawada nadiifsan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
28/08/2024 Duration: 02minLaba kurey ayaa lagu xukumey faldambiyeed la xiriira saddex dil oo ka dhacey nawaaxiga magaalada Stockholm bishii oktoobar ee sannadkii tagay. Xukuumadda ayaa doonaysa inay soo rogto mamnuucid qaran ee isticmaalka mobaaylada ee dugsiyada aasaasiga ah (hoose dhexe). Goobo ka tirsan Sweden ayey dembiyada jirdilka iyo guryaha la jabsadaa kaga badan yihiin goobaha kale, sida ku cad qariideyn uu sameeyay ururka ka hortagga dembiyada ee BRÅ.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
27/08/2024 Duration: 02min18-jira lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay dilkii isniintii ka dhacay Malmö ayaa ka soo baxsaday goob ay laanta adeegga bulshadu ku meeleeysay. Shirkadda tareemmada ee SJ ayaa joojin doonta khadka tareenka pendel-ka ee isaga goosha magaalooyinka Stockholm iyo Uppsala. Laba nin ayey ka soo gaareen dhaawacyo culus kadib toogasho ka dhacday xaafadda Husby, Stockholm. Dalka Taayland oo cusbooneeysiin ku sameynayo quwaddiisa ciidanka cirka kuna kordhinaya dayuurradaha dagaalka ee JAS 39 Gripen.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
26/08/2024 Duration: 02minToogasho ka dhacday maanta xaafadda Rosengår ee magaalada Malmö oo qof ku geeriyooday. Nin 35-meeyo jir ah ayaa ku geeriyooday magaalada Uddevalla kadib shil la xiriiray baaskiilka korontada ee lugta lagu riixo. Ku dhowaad 30 boqolkiiba dadka ku geeriyooda shil mooto ayaan heeysan laysankii looga baahnaa.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
23/08/2024 Duration: 02minDad ka badan ayaa muddo dheer shaqa la'aan ah, marka loo eego tirakoobyada cusub ee wakaaladda tirakoobka ee magaceedaa loo soo gaabiyo SCB. Wakaaladda macaamiisha ayaa hadda go'aansatay in ay baarto shilkii dhimashada sababay ee ka dhacay Skara sommarland oo wiil toban jir ah uu ku qaraqmay bilowgii bishii Agoosto. Wax iibsiga online-ka ee Iswiidishka ayaa sii kordhaya, gaar ahaan alaabada dibedaha. Booliska Göteborg ayaa helay hub badan oo qarsoon oo lala xiriirinayo dambiilayaal burcad ah.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
22/08/2024 Duration: 02minDalka Jarmalka ayaa dacwad lagu soo oogey laba nin oo weerar argagixiso ku qaadi lahaa xarunta baarlamanka Iswiidhen. Xukuumadda Iswiidhen ayaa u magacoowday ergey gaar ah dalka Yukrayn. Bangi kale oo ka mid ah bangiyada waaweyn ayaa hoos u dhigaya ribada deeymaha guryaha lagu iibsado.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
21/08/2024 Duration: 02minKa dib hoos u dhisgistii shalay dulsaarka hagidda ee Bangiga Qaranka ey hadda dhowr bangi dhimeyaan ribada deeymaha guryaha. Nin 35-meeyo jir ah ayaa lagu soo eedeeyey tuhun la xiriira afar kiis oo isku day dil ah ee magalaada Västerås. Ilmaha Iswiidhen ku dhaqan ayaa ku riyooda iney noqdaan aqoon yahan cilmiga caafimaadka xoolaha, youtuber, boliis, iyo khabiir jardiinooyinka la beerto. Khiyaanoole isku dayay inuu dhaco islaan sagaashameeyo jir ah ayaa gacanta lagu dhigay degmada Huddinge.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
20/08/2024 Duration: 02minShirkadda dhismaha ee JM ayaa ku wargelinaysa iney shaqada waayi doonaan 145 shaqaale oo uga howlgala Iswiidhen. Hoggaanka degmada Göteborg ayaa ku wareejin doona nus bilyan karoon beerta raaxada ee Liseberg. Laba nin ayaa dacwad lagu soo oogey kadib markii lagu eedeeyey iney ka dambeeyeen abaabulka 43 kiilo oo ah maandooriyaha koka'iinta oo dalka kontarabaan lagu soo geliyey. Machadka Karolinska iyo jaamicadda Uppsala ayaa weli ka mid ah 100-ka jaamicadood ee caalamka ugu wanaagsan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
19/08/2024 Duration: 02minIswiidhen ayaa lagu qabtay nin lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay fal argagixisnimo oo ka dhacay dal kale. Islaantii dhashay Rawa Majid, oo loo yaqaanno dawacadii kurdishka, aya lagu qabtay deegaanka kurdida ee dalka Ciraaq Dalka Mareeykanka ayaa lagu dhow yahay in lagu guuleeysto xalinta dil loo geeystay haweeney Iswiidhish ahayd muddo 50 sano hada ay ka soo wareegtay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
16/08/2024 Duration: 02minIswiidhan ayaa laga helay kiiskii ugu horreeyay ee noocyada cusub ee cudurka fayraska mpox. Nin ayaa laga helay cudurkan magaalada Stockholm, ka dib markii uu ku ka soo laabtay Afrika. 20 qof ayaa lagu soo oogay dacwad, kuwaas oo looga shakisan yahay, waxyaabo ka ah diyaargarowga dil ee Väsby ee Upland ee jiilaalka hore.