Synopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodes
-
SBS News Somali: Warka Talaado 24 February 2026
24/02/2026 Duration: 04minBooliiska New South Wales ayaa sheegay inay heleen wax ay aaminsan yihiin inuu yahay maydka nin 85 jir ah oo lagu magacaabi jiray Chris Baghsarian. Saraakiisha dambi-baarista ee kiiska gacanta ku haysa ayaa saaka 8:00 subaxnimo hadhaa bini’aadan ka helay, meel u dhow naadi kubbadda golf-ka ah oo ku yaalla Pitt Town, oo ka tirsan waqooyi-galbeedka Sydney.
-
SBS News Somali: Warka Isniin 23 February 2026
23/02/2026 Duration: 06minWararka maanta waxaa ka mid ah: Ra'iisal-wasaaraha oo diidey soo-jeedin uga timid mucaaradka, kuna saabsan, in dembi loo sameeyo ciddii qof argagixiso lala xiriiriyey ka caawiya inay dib ugu soo noqdaan dalka.
-
SBS Somali Program Friday: Barnaamika Jimce 20 February 2026 oo dhan
22/02/2026 Duration: 56minHalkan ka dhegeyso barnaamijkii jimcaha 20 February 2026 oo dhammays tiran. Wararkii Australia, caalamka, Soomaaliya iyo warbixinno kale oo faa'iido leh baa ka mid ah.
-
Your guide to using sunscreen in Australia - Australia Explained: Wax ka ogow sida kiriimka qorraxda (sunscreen) loogu istimaalo Australia
22/02/2026 Duration: 13minAustralia’s sun can be harsh. And sunscreen is one key measure protecting us against harmful sun exposure. We asked three scientists about sunscreen facts, myths and choosing the right products. - Qorraxda Australia aad bay u kulushay. Sunscreenkuna waa mid ka mid ah waxyaabaha muhiimka ah ee la iskaga difaaco. Saddex Saynis-yahan ayaanu weydiinney macluumadka sunscreen-ka, maxaa ka run ah, maxaa khuraafaad ah, sideese loo doortaa nooca kugu habboon?
-
#104 Talking about school exams | NAPLAN - Learn English Ep #104: Barnaamijka Baro Ingriisi
22/02/2026 Duration: 11minLearn useful English for talking about school tests, studying, exam pressure, and when you do really well. - Baro sida Ingriisi loogaga hadlo imtixaannada Iskuulka, barashada casharada iyo culaysyada imtixaanka iyo sidoo kale markaad waxbarashada ku wacan tahay ee aad imtixaan ku baasto.
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga 20 February 2026
20/02/2026 Duration: 12minMuslimiinta Sydney ayaa Puauline Handson ugu baaqay inay soo booqato xaafadda Lakemba si ay u barato deegaanka. Tan ayaa timid kadib markaa ay Pualine dhowaan sheegtay in aanu jirin Muslim wacani.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya 20 February 2026
20/02/2026 Duration: 09minXarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa kasoo dhammaaday w ejigii koowaad ee shirkii madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo golaha mustaqbalka. Waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee heer federaal iyo heer dow-lad goboleed.
-
Cunsuriyadda (Racism) oo la ogaadey inay ku badan tahay jaamacadaha Australia
19/02/2026 Duration: 14minArdayda iyo shaqaalaha asal ahaan ka soo jeeda Dadka dhulka loogu yimid, Shiinaha, Afrika, kuwa Yuhuudda ah iyo bariga dhexe ayaa sida warbixintu sheegtay, dareemay cunsuriyadda ugu badan. Boqolkiiba lix keliya, dadka sahanka laga qaaday ee toos ula kulmay cunsuriyadda ayaa cabasho gudbiyey.
-
SBS News Somali: Warka Khamiis 19 February 2026
19/02/2026 Duration: 05minMasaajidka Lakembe ee magaalada Sydney ayaa bill gudeheed loogu soo diray waraaq hanjebaad ah. Booliiska ayaa kordhinaya gaaf-wareegga iyo ilaalinta goobaha cibaadada.
-
ACCC oo Coles ku eedeysay inay ka been sheegeen qiimo-dhimis
18/02/2026 Duration: 06minHa'adda ACCC ayaa shirkadda dukaammada waaweyn ee Coles ku eedeysay inay macaamiishooda ku marin habaabiyeen qiimo-dhimis aan run ahayn. Maxakamadda Federaalka Australia ayay dacwad ka geeyeen. Warbixintan baa kuu faahfaahinaysa.
-
SBS News Somali: Warka Arbaco 18 February 2026
18/02/2026 Duration: 11minDowladda New South Wales ayaa soo bandhigtay hindise-sharciyeed la yiraahdo, crime amendment bill, si loogula dagaallamo xag-jinimada garabka midigta kaddib markii uu mudaharaad neo-Nazi ahi ka dhacay bannaanka Baarlamaanka gobolka, bishii Nofembar ee sanadkii hore.
-
Interview: Waraysi - Jaamac Faarax oo ka warramay qalab caafimaad oo gaadhey Dire Dawa
18/02/2026 Duration: 11minContainer laga buuxiyey alaab iyo qalab caafimaad ayaa dhowan gaarey Dilchora Referal Hospital - Dire Dawa. Waa deeq ay hay'adda Rotary Club ee Footscray ay direen. Jaamac Faarah oo mas'uul sare ka ah Rotary Club Footscray ayaa hormuud ka ahaa. Waraysiganna wuxuu kaga warramayaa gaarintaanka alaalbte ee Dire Dawa.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya Arbaco 18 February 2026
18/02/2026 Duration: 10minWarka Soomaaliya waxaa ka mid ah maanta, shirweyne lagu qabtay Muqdisho oo loogu yeeray 'Badbaadada Dowlad-goboleedkka Koonfur Galbeed' iyo mas'uuliyiin hore oo ka hadashay.
-
How to recover from bushfires - Australia Explained: Sida looga soo kabto dab-kaymeedka
17/02/2026 Duration: 12minAustralia’s hot, dry climate and unique landscapes make it one of the most bushfire-prone countries in the world. As climate change drives higher temperatures and drier conditions, we can expect more frequent and more intense bushfires in the future. But once the fire is out, how do you return home safely, find support, and look after yourself? - Australia waa dal leh cimilo kulul oo qalalan iyo qab-dhuleed u gaar ah, sidaana kaga dhigtaymid ka mid ah dalalka aduunka ee ugu nugul dab-kaymeedyada. Is-beddelka cimilada yaa sababi karo dabab tiro badan oo kasii xooggan kuwii hore. Sidee ayaad guriga si nabad ah ugu laabataa, haddii aad markii hore ka qaxday dabka? Sidee baad taageero ku heli kartaa, sidee baadse isu dar-yeeli kartaa? Halkan ka ogow.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Af-Soomaaliga 17 February 2026
17/02/2026 Duration: 04minDukumiintiyo la xiriira dambiilihii galmada lagu xukumay ee geeriyooday, Jeffrey Epstein, ayaa muujinaya in tacaddiyada loo geystay haweenka iyo gabdhahu ay ahaayeen kuwo baahsan, heer ay gaari karaan dambiyo ka dhan ah aadanaha sida uu dhigayo sharciga caalamigu.
-
60-guuradii lacagta Australia ee tobanleyda ah (Decimal Currency)
16/02/2026 Duration: 10min14-kii Febraayo ee 1966-dii ayay ahayd subaxii ay dadka Australia kusoo tooseen lacag cusub (dollar) iyo hab cusub oo loo xisaabiyo. Wax ka ogow taariikhda lacagta Australia iyo sababtii looga guurey nidaamkii Ingiriiska oo loogu beddelay doollarka.
-
SBS News Somali: Warka SBS Isniin 16 February 2026
16/02/2026 Duration: 05minKu xigeenka hoggaanka mucaaradka heer federaal ayaa sheegtay in beddelaadda siyaasaddoodu aanay ahayn mid ay kula tartamayaan taageerada sii kordhaysa ee xisbiga One Nation. Naveed Akram oo ku eedaysan inuu qayb ka ahaa weerarkii Bondi Beach ayaa isna maanta maxakmada kasoo muuqday.
-
SBS Somali Program Full: Barnaamijka Jimcaha 13 February 2026
15/02/2026 Duration: 53minHalkan ka dhegeyso barnaajijkii Jimce 13 February 2026 oo dhammays tiran. Waxaad ka helaysaa warar iyo warbixinno muhiim ah.
-
SBS News Somali: Warka SBS ee Jimce 13 February 2026
13/02/2026 Duration: 07minHoggaammiyihii hore ee xisbiga mucaaradka heer federaal, Susan Ley, ayaa siyaasadda ka fadhisatay ka dib markii laga qaaday hoggaamintii xisbiga. Angus Taylor ayay xubnaha xisbigu uu doorteen hoggaamiye. Donald Trump-na wuxuu sheegay inuu joojinayo hawl-gallada ICE ee Minnesota.
-
Somali News: Warka Soomaaliya ee Jimce 13 February 2026
13/02/2026 Duration: 11minXubno ka tirsan golaha isku magacaabay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa haddallo ka jeediyey shir ay isugu yimaaddeen hotel ku dhex yaalla xerada Xalane.