Synopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodes
-
#105 Celebrating small wins at work - Learn English #105: Ku baro Ingiriisi erayo iyo haddallo loo isticmaalo shaqada
05/03/2026 Duration: 08minLearn useful English for talking about small wins at work. Practise phrases for celebrating achievements, staying motivated, and making progress step by step. - Ku baro Ingriisi erayo iyo weedho sahlan oo ku habboon goobaha shaqada. Dhegeyso adigoo akhriyaya.
-
Dowladda Australia oo bilowday qorshaha train-ka dheereeya ee Sydney illaa Newcastle.
05/03/2026 Duration: 09minDowladda Federaalka ayaa ugu dambeyn bilowday, qorshe lagu hirgelinayo mashruuca tareenka xawaaraha dheereeya, oo isku xiri doona magaalooyinka Sydney iyo Newcastle. Waxaa hadda billowday wejigii hore ee sahaminta, iyadoo ay dowladda federaalkuna sheegtay in dhisidda la bilaabi doono 2028-da.
-
SBS News Somali: Warkii Af-Soomaaliga Khamiis 5 March 2026
05/03/2026 Duration: 04minWarka maanta waxaa ka mida, wasiirka arrimaha dibeddeda, Penny Wong, oo sheegtay sida ay dunidu uga walaacsan tahay sida ay Iiran uga falcelisey weerarkii ay Maraykanka iyo Israel ku qaadeen. Gaashaan-buurta NATO-na waxay sheegeen inay soo rideen gantaal Iran leedahay oo ku sii jeedey Turkiye.
-
Sida dagaalka Iran u saameynayo qiimaha shidaalka Australia iyo adduunka
04/03/2026 Duration: 09minMarin-biyoodka Hormuz oo u dhexeya dalalka Oman iyo Iran ayaa hadda gebi-ahaanba xiran. Iran-na waxay sheegtay inay gubi doonto markab kasta oo soo mara. Tan ayaa sababtay in qiimaha shidaalku kor u kaco 8 boqolkiiba.
-
New Zealand oo isticmaalaysa qalab casri si uu uga digo dhulgariir aan weli dhicin
04/03/2026 Duration: 06minDhugariirkii Chrischurch, shan iyo toban sano kadib, New Zealand waxay samaysatay nidaam casri ah oo lagu garto calaamadaha dhul-gariirka. 700 oo qalab casri ah ayaa bad iyo berriba daqiiq kasta dhegeysta calaamadaha dhul-gariirka si ay uga digaan inta aanu dhicin.,
-
SBS News Somali: Warka Arbaco 4 March 2026
04/03/2026 Duration: 14minWarka maanta oo arbaco ah waxaa ka mid ah wararka dagaalka bariga dhexe ka socda iyo wasiirka tamarta Australia oo ku boorriyey shacabka in aanay boobin shidaalka, maaddaama Australia haysato shidaal ku filan soddomeeyo maalmood.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya Arbaco 4 March 2026
03/03/2026 Duration: 08minHalkan ka dhegeyso wararkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya oo ku saabsan xildhibaannada laga soo doorto Puntland oo loo diidey, sida la sheegay, inay u dhoofaan Garoowe.
-
Khumeynigii Iran waa la dilay laakiin beddildda nidaamku ma sahlan yahay?
03/03/2026 Duration: 08minIran waxay si cad u sheegtay in ay dooneyso in Israa’iil laga tirtiro khariidadda. Dhanka kale, Israa’iil waxay ku adkeysanaysaa in barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan uu khatar ku yahay jiritaankeeda — inkastoo Iiraan ay marar badan beenisay inay sameynayso hub nukliyeer ah.
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga ee Talaado 3 March 2026
03/03/2026 Duration: 05minWax-soo-saarka beeraha ee Australia ayaa la saadaalinayaa, inuu ka badan doono boqol bilyan oo doollar sannad-maaliyadeedkan, laga bilaabo Luulyo 2025 ilaa Luulyo 2026. Wasiirka Gaashaandhigga ee Australia, Richard Marles-na, wuxuu xaqiijiyay in aanay Australia ka qayb qaadanin tallaabooyinka milatari ee haatan ka socda dalka Iiraan.
-
'Waa la khiyaamay': Sida uu Ruushku Afrikaanka ugu khayaanay dagaalka Ukraine
02/03/2026 Duration: 13minRagga Afrikaanka ah ee da’da yar ayaa lagu hungureeyaa, mushahar soo jiidasho leh, loona sheegaa inay saxiixayaan heshiis shaqo oo ku qoran luqadda Ruushka, halka xaqiiqadu tahay inay saxeexayaan heshiis askar ka dagaallanta Ukraine.
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Isniin 2 March 2026
02/03/2026 Duration: 04minWarka maanta waxaa ka mid ah wararka dagaalka ay Maraykanka iyo Israel ku qaadeen Iraan iyo Xildhibaan Barnaby Joyce oo ka tirsan xisbiga One Nation oo ka digey dhibaato ku timaadda dhaqaalaha iyo kaydka shidaalka Australia, xiritaanka marinka Hormus awgeed.
-
More than style: How First Nations fashion is growing in Australia - Australia Explained: Sida dharka (lebbiska) First Nations ugu fidayo Australia
01/03/2026 Duration: 09minIf you’ve spent any time in Australia, you’ve probably noticed how relaxed the style is. You might notice activewear, surf brands and casual clothes everywhere. But there’s another side to Australian fashion. Aboriginal and Torres Strait Islander designers have been creating clothes and accessories for thousands of years — and that work is very much alive today. You’ll see it on runways, in global fashion campaigns and in everyday clothing. Find out what makes First Nations fashion different, how it connects to the environment and what you should be aware of if you want to wear it. - Waxaa Australia ka jira nooc ama moodo kale oo dhar ah oo Australia lagaga lebisto, laakiin aanay dadka Australia soo degaa horey u ogaannin. Waana kuwa dadka dhulka loogu yimid ee Aboriginal-ka iyo Torres Strait Islander-ka oo la isku yiraahdo First Nations. Qaybtan Australia Explained, waxay ku baraysaa sida uu dharka dadka First Nations uga duwan yahay dharka kale, xidhiidhka ka dhexeeya cimilo-deegaanka iyo sida aad u taageer
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga ee Jimce 27 February 2026
27/02/2026 Duration: 11minDowladda federaalka Australia ayaa maanta dhaqan gelisey sharcigii cusbaa ee hagaajinta ammaanka xarumaha xannaanada carruuruta. Labo qof ayaa u geeriyoodey caabuq fangi (fungal infection)oo ka dillaacay cisbitaalka Royal Aflred Hosptial oo ku yaalla Sydney.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya Jimce 27 February 2026
27/02/2026 Duration: 09minHalkan ka dhegeyso warka Soomaaliya oo badankiisu ku saabsan yahay abaaraha ba'an ee ka jira Soomaaliya.
-
“Anshax xumo iyo Kibir”- Andrew ma laga saari karaa safka dhaxalka boqornimada.
26/02/2026 Duration: 13min"Waa qof qallafsan, isla weyn oo isu arka inuu xaq gaar ah leeyahay, kalana garan waayay farqiga u dhexeeya danta guud ee uu sheegay inuu u adeegayo iyo danihiisa gaarka ah" ayuu yiri Chris Bryant oo ah wasiirka ganacsiga Ingriiska.
-
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Khamiis 26 February 2026
26/02/2026 Duration: 05minQasnajijga heer federaal ee Australia, ayaa sheegay in sicir-bararka ka sarreeya intii la filayay, uu yahay caqabadda ugu weyn ee saamaynaysa miisaaniyadda federaalka ee soo socota. Madaxweynihii hore, Bill Clinton iyo Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda,Hillary Clinton ayaa la filayaa inay toddobaadkan hortagaan guddi ka tirsan Kongress-ka Maraykanka, iyaga oo qeyb ka ah baaritaanka ku saabsan Jeffrey Epstein.
-
Bukaan ka baxsaday xarun dhimmir oo dad laayey iyo is-beddel la codsaday
25/02/2026 Duration: 09minLabo bukaan ayaa ka baxdsaday xarun dhimmir oo ku taalla Sydney maalmo ka dibna laayey dad. Tan ayaa lagu tilmaamay dhibaato ka jirta nidaamka daryeelka caafimaadka ee New South Wales.
-
Ingiriiska ma u dhoofaysaa? Xeer cusub bay kusoo rogeen socdaalayaasha haysta labo dhalasho
25/02/2026 Duration: 07minLaga bilaabo 25-ka Febraayo 2026, muwaadiniinta haysta labada dhalasho ee Australia iyo Ingriiska, ayaa halis ugu jira in loo diido gelintaanka dalka Ingriiska. Halkan ka dhegeyso sababta.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya Arbaco 25 February 2026
25/02/2026 Duration: 09minWarkii Soomaaliya halkan ka dhegeyso
-
Dhimashada Shilalka Waddooyinka oo aad u korodhay iyo khubarada oo ka digey
24/02/2026 Duration: 11minTirada dhimashada shilalka waddooyinka ee Australia ayaa kor u sii kacaysa. In ka badan kun iyo saddex boqol oo qof (1,300) ayaa ku dhintay waddooyinka Australia sanadkii la soo dhaafay. Bilowga sannadkan cusub ee 2026-na tiryooyinku ma muujinayaan wax horumar ah.