Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
19/04/2024 Duration: 02minLaba nin oo boliiska Malmö u gudbiyey dalab bannaanbax hor leh oo lagu gubeyo qur,aanka. Fanaaniin badan oo sheegay iney ka noqdee ka qaybgalka tartanka heesaha hirgalay ee Yurub. Magaalada Haparande oo dhacda waqooyiga sweden ayaa laba nin loo qabtay kaydsiga walxaha qarx oo aad u fara badan. Nimankan ayaa iska dheereeyey iney wax dembi ah galeen.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
18/04/2024 Duration: 02minWakaalada caafimaadka dadwaynaha ayaa aaminsan in dad aad u yar oo waayeel ah laga tallaalay cudurka safmareenka ee covid-19. Carruurta ka codsata waalidiintooda iney lacag ugu soo diraan aaladda Swish-ka ayaa inta badan u fuliya. Hanti dhowrka qarankuoo dhaleecayn ba'an u soo jeedinayaa dawladda. Ciidamada Sweden ayaa badda cas u diri doona ciidammo gaaraya ilaa 25 qof.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
17/04/2024 Duration: 02minHabeennimadii talaadadii shalay ayuu gaari bartamaha u galay qolka fadhiga guri ku yaala magaalada Ängelholm. Maanta ayaa ku beegan sannadguuradii labaad kolkii dalka Iiraan lagu xabisay Johan Floderus, isagoona lagu eedeeyey jaajuusnimo. Wakaaladda socdaalka ayaa dalbatay miisaaniyad dheeri ah sidii ay uga soo dhalaali lahayd howlaha xukuumaddu u xilsaartay in dalka laga hirgeliyo kun boos oo lagu hayo dadka waddammadoodii dib loogu celineyo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
16/04/2024 Duration: 02minBoosto laga soo direy dalka Jarmalka ayey ku jireen 87 xabo oo ah bastooladaha korontada ee argagaxa oo kontrabaan ah. Hoos u dhac ayaa ku yimid alaabooyinkii laga iibsan jirey shirkadda xiriirka telefoonnada ee Ericssons. Laba wiil oo da'doodu tahay 17 iyo 18 jirro ayaa la go'aamiyey in rummaanka la dhigo. Baaris cusub ayaa muujisay in keliya kala bar waalidiinta ey ilmahooda kala hadlaan xiriirka iyo galmada.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
15/04/2024 Duration: 01minLabo wiil ayaa la xiray todobaadkii dhamaadkiisa kadib markii looga shakiyay inay ku lug lahaayeen dil aabbe loogu geystay xaafadda Skärholmen. Nin 60-meeyo jir ah ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Arlanda, isagoo boorsadiisa ku dhex wata dahab. Soogalootiga ka imanaya bariga Danmark ee soo gaaraya gobolka Skåne waa kii ugu badnaa muddo toban sano ah.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
12/04/2024 Duration: 02minKaroonka Swedishka ee daciifka ah ayaa keenay in dalxiisayaasha Danishku ay ku soo qulqulaan Iswiidhen. In haweenka uurka lihi liqaan xanuun baabi'iyaha paracetamol ma kordhinayso khatarta ah in ilmuhu qaado xaaladda autism, ADHD ama naafo maskaxeed. Maxkamada degmada Falu ayaa degmada Falu ka fasaxday inay magdhow siiso waalidka wiil shan jir ahaa oo lagu hayey guryaha dhallaanka lagu xanaaneeyo HBV-hem-ka oo geeriyooday.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
11/04/2024 Duration: 02minShaqa'la'aanta ayaa kor u kacday bishii maarso gaarteyna 6,7 boqolkii, sida ka muuqata tirakoobka cusub ee xafiiska shaqada - Arbetsförmedlingen. Xukuumadda ayaa sannadkan u qoondeeysay difaaca madniga ah misaaniyad dheeri ah oo gaarsiisan 385 milyan oo karoon. Qof looga shakisan yahay inuu ku xad-gudbay sharciga difaaca ayaa la qabtay shalay oo arbaca ah, ka dib markii uu diyaarad drone ah ku duuliyay meel u dhow qasriga boqortooyada ee Stockholm.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
10/04/2024 Duration: 03minTaataabashada ayaa u wanaagsan caafimaadka jidhka iyo maskaxdaba, Hogaamiyaha xisbiga Kristendemokraterna Ebba Bush ayaa marar badan hadalka buuq laga geliyey mark ay su'aallo iyo jawaabo furan ku yeelatay baar ku yaalla Göteborg fiidnimadii shalay. Wax-soo-saarka guud ee dalka Iswiidan ayaa kordhay kordhay 0.1 boqolkiiba bishii Febraayo marka loo eego Janaayo. nin 22 jir ah oo lagu eedeeyay in uu gugii hore magaalada Örebro ku dilay saaxiibtiis oo 20 jir ahayd ilmana caloosha ku siiday.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
09/04/2024 Duration: 02minIn ka badan 34 bilyan oo karoon ayaa sanadkan dib loogu soo celin doonaa canshuur celinta, sida ay sheegtay wakaaladda canshuuruhu. Rag badan oo caawinaad ka doonta sidii looga gargaari lahaa iney joojiyaan rabshada qoyska dhexdiisa ey ka geeystaan. Nin 40-meeyo jir ah oo looqabtay diltoogasho oo markii labaad muddo gaaban ka dhacday magaalada Hesingborg. Jardiino ku taal Göteborg oo looga shakiyay ur maandooriyaha xashiishadda, balse noqday urur basal ka baxda goobtaa.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
08/04/2024 Duration: 03minNin iyo wiil ay xukun maanta ku ridday maxkamadda degmada Uppsala. Booliska ayaa ku andacoonaya in ay ku guuleysteen in ay joojiyaan ku dhawaad 40 fal rabshado ah saddexdii bilood ee la soo dhaafay. Dowladda ayaa 500 milyan oo karoon u qoondeyneysa dugsiyada dalka miisaaniyada wax ka bedelka guga ee sanadka 2024-ka. Korodhka qiimaha cunnada ayaa mar kale joogsaday, marka loo eego sahaminta shabakadda madax-bannaan ee Matpriskollen.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
05/04/2024 Duration: 02minWasaaradda arrimmaha dibadda Ruushka ayaa ku andacootay inuu dalka Sweden qorsheeynayo in Nato ay saldhig ka furanayso Gotland. Guddiga doorashooyinka Miljöpartiet ayaa soo bandhigi doona fikirkooda haweeneyda ey u arkaan inay ka mid noqoto labada hoggaamiye ee xisbiga. Kastamka oo codsanaya gacansiin dadka doonyaha leh sidii lagu ogaan lahaa doonyaha kontarabaanka dalka ku soo geliya. Ma jiro wax xiriir ah oo ka dhexeeya labadii kiis ee jadeecada ee maalmihii u dambeeyey laga heley Göteborg.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
04/04/2024 Duration: 02minUgu yaraan 12 haween ah ayaa lagu diley Sweden saddexdii bilood ee sannadka ugu horreeyey. 600 oo waraaqo la isu direy oo laga shakiyay ayaa kontrool lagu sameeyey, halka 500 oo ka mid ah laga heley naarkootika, dawooyin hormoono ah oo murqaha xoojiya iyo dawooyin aan sharci ahayn. Magaalada Göteborg ayaa laga heley kiis hor leh ee cudurka jadeecada, sida uu qoray wargeeyska Göteborgs-Posten.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
03/04/2024 Duration: 03minHabeennimadii xalay oo arbacada maanta soo galeeysay ayaa la jebiyay rikoor 30 sannadood soo jirey ee habeenkii qabowga. Inta badan dhibaatooyinkii gaadiidka ee hawadii barafku sababtay ayaa la maareeyey. Dacwadaha laga soo oogo laaluushka ayaa aad kor ugu kacay waxaana ugu daran gaadiidka iyo laamaha gawaarida. Boliis lagu oogay dacwad inuu sabab u ahaa geeri qof mar gacanta lagu dhigayey sannadkii hore, ayaa la sheegay inuu shaqadiisa sii heeysan doono.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
02/04/2024 Duration: 02minTiro kor u dhaafaysa 12 000 ayaa sannadkii hore loo gudbiyey boliiska tuhun dacwadeed musuq gunnooyinka taageerada dhaqaale. Nin 28 jir ah ayaa maanta lagu soo oogey dacwad la xiriirta sabab u noqosho geeri iyo taxaddar daro gaadiid. Baaraha xukuumadda ayaa soo jeediyay adkeeynta xeerar ceymiska jirrada.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
28/03/2024 Duration: 02minNin 30-meeyo jir ah oo meydkiisa fiidnimadii arbacadii shalay laga heley meel dibadda ah magaalada Katrineholm. Ku dhowaad shan daloolow meel cunnada caalamka laga soo saaro ayaa sannad walba la xooraa, halka dad ka badan 780 malyan aaney heysan cunno ku filan. Dacwad laga gudbiyay shirkadda iswiidhishka ee tubaakada - Swedish Match iyo shirkadda iska leh ee Philip Morris. Haweeney lagu soo oogey dacwad la xiriirta inay 500 oo jeer wacday telefoonka gargaarka degdegga ee SOS (112) 2 sano.
-
Wararka maanta ee Raadiha Iswiidhen
27/03/2024 Duration: 02minMarka uu bilowdo tartanka is-reereebka horyaalka Sweden ee ragga sabtidan foodda innagu soo haysa ayaa 224 taageereyaal laga mamnuucay garoommada. Inta lagu guda-jiro ciidulfuska (påsk) ayay hawadu ku bilaaban doontaa roob dhanka koonfurta iyo baraf ka da'a nawaaxiga waqooyi. Magaalada Uppsala ayaa loo qabtay nin25-meeyo jir ah kadib toogasho ka dhacday fiidnimadii salaasadii xalay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaaha Iswiidhen
26/03/2024 Duration: 02minDabayaaqada sanadkan, ayaa booliiska loo ogolaan doonaa in ay bilaabaan isticmaalka 'rasaasta' nooca caaga ah, kuwaas oo lagu ridi kari doono shakhsiyaadka handadaada wada kolka ay dadka isugu soo baxaan. In badan oo iswiidhish ah ayaa isku arka inay la kulmaan cimilo aad u daran nolol maalmeedkooda, sida lagu sheegay sahan la sameeyay. Wiil 19-sano jir ah ayaa maanta lagu xukumay xabsi daa'in, kaddib markii lagu helay dambi ah inuu dil geystay. Hase yeeshee iska dheereeyay dembigaa.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
25/03/2024 Duration: 02minJoogsigii ama hakadkii dheeraa ee gawaarida oo ka dhacay wadada E22 ee gobolka Skåne bishii Janaayo ayaa ahaa mid laga hortagi karay. Sababo la xiriira ukumaha oo ku yar dalka Iswiidhen, ayaa ku dhawaad 18 boqolkiiba ukunta laga soo dhoofiyaa dalal kale, sida uu qabo ururka warshadaha ukunta ee Svenska ägg. Tafatiraha wargeeyska Expresen Klas Granström ayaa lagu helay dambi ah inuu sumcad dil geystay, sida uu sheegay telefishinka SVT.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
22/03/2024 Duration: 01minHaweeney 40 jir ah oo meeydkeeda laga heley fiidnimadii shalay guri ku yaalla farasmagaalaha Linköping - ayaa loo qabtay nin lagu tuhusan yahay faldembiyeed dil. Xukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna ayaa dheereeyey wakhtigii taageerada gunnada ee kirooyinka qoysaska ilmaha leh. Waxaahoos u dhacday tirada Iswiidhishka ku nool gunnooyinka dhaqaale ee taageerada.
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
21/03/2024 Duration: 02minWill 17 jir ah oo lagu eedeyey inuu diley gabadh ay isku da'a yihiin. Gabadh macallimad ah iyo ninkeeda oo iibiyey xadi badan ooah maandooriyaha kookaaiin-ta. Nin loo haysto laba dil ayaa dhawr jeer maxkamada ka baaqday inuu ka soo muuqdo.