Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
27/09/2023 Duration: 02minXukuumadda ayaa doonaysaa in la hirgeliyo diiwaan qaran ee ogolaansho shati dadyoowga haya waxyaabaha qarxa. Falka sharaf-dhowrka ayaa ka dambeeyay mar uu sannadkii hore wiil ku dilay hooyadii magaalada Göteborg, sida ay go'aamisay maxkamadda racfaanka ee galbeedka Iswiidhen. Sabtidii ayaa la qabtay kulan looga xaajoonayay dhibaatooyinka cabashada ee waalidiinta soomaalida ee Iswiidhen ku dhaqan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
26/09/2023 Duration: 03minTurkey oo shuruuda helida diyaaradaha F16 ku xidhay xubinimada Iswiidhen ee gaashaanbuurta Nato. Dadka heley taageero dhaqaale ayaa shan jeer in ka badan halis ugu jira iney is-dilaan. sida ay sheegtay Ylva Ginsberg. Welwel badan ayaa waayadan dambe ka guuxayey bulshada soomaalida ee ku dhaqan dalka Sweden ee la xiriira carruurta waalidkood laga kaxeeyo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
25/09/2023 Duration: 03minGaroon ciyaaraaha oo ay ku tababartaan carruuurta kuna yaalla Stockholm ayaa dhawaanahan lagu arkay amni darro. Nin ku nool magaalada Malmö ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu dilay kadibna uu jarjaray haraaga jirka nin 20 jir ah. Dhawaantan ayay xukuumadda Iswiidhen ku dhawaaqday inay joojinayso lacag lagu tageeri jirey ururrada ku dhisan qoomiyadaha oo dhan 19 milyan oo karoonka Iswiidhishka ah.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
22/09/2023 Duration: 02minKooxda kubadda cagta AIK ee ka dhisan Solna, ayaa u digaysaa waalidiinta carruurtoodu u ciyaaraan naadiga. Safafka dheer ee loo galay goobaha codbixinta sannadkii hore, ayaan ahayn sababta ugu weyn ee keentay hoos u dhaca ku yimid codbixinta doorashada. Booliisku ayaa raadinayaan dambiilaha keligiis ah kadib markii xalay toogasho lagu dilay goob baar ku taal bartamaha Sandviken.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
21/09/2023 Duration: 02minHaddii uu hirgalo sharciga ku saabsan ku soo wargelinta khasabka ah, degmada Göteborg ayaan wax tallaabo ah ka qaadi doonin shaqaalaha aan soo sheegin dadka sida sharci darrada ah ku jooga Iswiidhan. Waayeelka ka da'da weyn 75 sannadood waa in laga tallaalo fayruska RS.Waa boorin ka timid hayadda caafimaadka bulshada. Dhaqdhaqaaqa iyo tababarku wuxuu ka mid yahay waxyaalaha caafimaadka qofka kor u qaada, kana hor istaaga cdurro badan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
20/09/2023 Duration: 02minWaxaa beryahan dambe la isla dhexmarayey warar sheegaya in dhallaanka dhigta dugsiyada xanaannada lagu baro macluumaad ku saabsan galmada. Adeegga xarummaha gargaarka degdegga ah ayaa qaata waqti dheer, sida ku cad tirakoobka hayadda hoggaanka bulshada. Magaalada Kiruna oo saaka ku waaberisatay magaalo cad oo baraf buuxiyey.
-
Wararkii maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
19/09/2023 Duration: 03minSiyaasigii Per Gahrton, kana mid ahaa aasaaseyaashii xisbiga cagaaran/doogga ee Miljöpartiet oo ku geeriyooday da'da 80 jir. Swedenoo weli ey rabshadihii ka socdaan iyo rabshado xaley ka dhacey goobo kala duwan. Daraasad lagu eegeyo hooyooyinka soomaaliyeed ee uurka leh ee ilmuhu caloosha kaga geeriyoodaan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
18/09/2023 Duration: 03minQiimaha karoonka Iswiidhan oo si aanu abid hoos ugu dhicin hoos ugu dhacay halka uu isniinta maanta gaadhay. Mgaalada Norrköping shaqaale ka hawlgala dugsi ku yaala magaalada ayaa laga shaqadalaga fariisiyay iyada oo lala xidhiidhinayo rabashado magaalada ka dhacay khamiistii. Hubanti la'aan cusub ayaa ka jirta ku biirida Nato ee Iswiidhan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
15/09/2023 Duration: 02minToddobaadyadii ugu dambeeyey waxa dalkani Iswiidhen ka dhacay is xabadayn sababtay dhimashada 6 qof oo ka kala dhacay goobo kala duwan. Magaalada Säter waxaa hadda ka bilaabmaya mashruuc ay dhallinyaradu fursad u helayaan in ay ka qaybqaataan hoowlaha wakhtiga firaaqada ah la qabto iyo tartamo kala duwan. Tagitaanka dhakhtarka ilkuhu ayanan bilaash u ahaan doonin kuwa da'dooda u dhaxeeyso 1923.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
14/09/2023 Duration: 02minShan qof oo Iswiidhish ah ayaa lagu xiray dalka Turkiga, waa sida uu qoray wargeeyska Expressen. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa wargeyska u xaqiijisay. 20 sannadood oo ay ka soo wareegtay aftidii loo qaadey lacagta euroga oo maya loogu codeeyey. Nin mootanaa qiyaastii 10 000 oo sannadood oo shabihiisii dib loo soo dhisayo.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
13/09/2023 Duration: 03minDhowr taksiileyaal oo ka daalay duruufaha shaqo ee liita ee ka jira shirkadaha app-ka sida Uber iyo Bolt ayaa sameeystay app cusub. Rabshadihii ugu dambeeyey ee dhacdooyinkii dalka ka dhacay ayaa ah kuwo baaxaddooda wax loo dhigaa aaney jirin. Khadiija Maxamuud oo ku shaqeeysata xirfadda cunnakarinta ayaa ku tala bixisay sida ey qoysaska saboolka ahi u dhimi karaan kharashka cunnada kaga baxa xilligan oo kale oo lagu jiro xaalad dhaqaale oo cakiran.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
12/09/2023 Duration: 02minWiil 18-jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad dil, kaas oo sababay toogasho ka dhacday koonfurta Stockholm. Waxaa caawa la wada sugayaa ciyaarta masiiriga ah ee xulka qaranka ragga kubbada cagta Iswiidhen iyo kooxda Awsteriya. Beryahan dambe soomaalida ayaa ku yaraatay xarunta lagu magacaabo Welcome House'' waa rugta dhexe ee meeleeynta oo lagu gacanqabto ajaaniibta kolka ey dalka ku cusub yihiin.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
11/09/2023 Duration: 04minXulka kubada cagta ee Sweden ayaa sabtidii ina dhaaftay 5:0 kaga guuleeystay dhigooda Istooniya Waxa kor u kacday tirada dhimashada dhulgariirkii h jimcihii la soo dhaafay ka dhacay dalka Moroco Banaanbax balaadhan oo shalay dhacay ayaa lagaga soo horjeeday arrinka soo sheegida dadka aan lahayn sharciga degenaanshaha, waxa soo abaabuley qabsoomidiisa 50-tameeyo urur .
-
Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen
08/09/2023 Duration: 03minLaba qof ayaa loo qabtay tuhun la xiriira dil alay ka dhacay magaalada Uppsala habeennimadii shalay. Waxaa la go'aamiyay inay halkeedii ka sii socoto suurtagalkii ahaa inay shaqaalaha ka howlgala goobaha daryeelka waayeelku sii qaadan karaan aqoonkorosi waxbarasho saacadaha shaqada oo ey mushaarna ku heleyaan. Khamiistii shalayto ayaa xaafada Rinkey loogu qabtay Baroordiiq la isku xasuusinayay taariikhdii fannaanka.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
07/09/2023 Duration: 02minHaweeney 60 jir ah ayaa xalay lagu toogtay magaalada Uppsala. 275 kiilo oo ah nooca maandooriyaha amfetamin, qiimaha ay waddooyinka ka joogtaa ahayd malaayiin fara badanhase yeeshee lagu sancadeeyey meel indhaha caalamka ka qarsoon oo ku taalla xera-fardeed nawaaxiga Listerlandet gobolka Blekinge ee koonfurta Skåne. Degmada Göteborg ayaa si ku sime ah ayaa laga shaqaaleeysiisay goobaha ardeyda lagu hayo xilliga ey fasaxa yihiin, nin lagu xukumey doonis inuu ku biiro Daacish.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
06/09/2023 Duration: 03minWixii ka dambeeyey falalkii gubista kutubta Qur'aanka ayey culimo badan oo caalami ah welwel ka muujiyeen kor u kicid dacaayadaha internetka lagu baahiyo ee lidka ku ah Iswiidhen. 17-jir ayaa loo qabtay rabshadihii axaddii ina dhaaftay ka dhacay xaafadda Rosengård ee magaalada Malmö. Ciidanka booliska Iswiidhen iyo Noorwey ayaa wadajir u dhisan doona xarun boliis oo ey ku wada shaqeeyaan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
05/09/2023 Duration: 03minMiraha iyo khudaarta ayaa yeesha midabbo badan oo xoogan. Ma ahan oo kaliya qurux, laakiin sidoo kale caafimaad ayaa laga helaa, sida lagu sheegay laanta idaacadda ee culuunta sayniska. Gacanyare ka howlgala wakaaladda canshuuraha ee Malmö ayay la soo gudboonaatay inuu si kama' ah ugu diray mail ey ku qoran yihiin xogaha shakhsiyaad gaarsiisan 7700, shakhsi khaldan. Boliisku waa inay saxaan khaladaad, kadib wixii ka dambeeyay geeridii sarkaalkii sare ee Mats Löfving.
-
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
04/09/2023 Duration: 03minHoggaanka ururka samafalka Nobel ayaa dib uga laabtay go'aankiisii ahaa in xafladda billad-bixinta Nobel ee bisha diseember uu ku casumo safiirrada Iswiidhen u matala waddammada Ruushka, Iiraan iyo Beelaruus. Muwaadinkii iswiidhishka ee abriil 2022 lagu qabtay dalka Iiraan illaa haddana ku xabisan ayaa la shaqeeynayay EU, sida uu qoray wargeeyska mareeykanka ee New York Times. Bulshada reer Malmö ciddey doonaanba ha ahaadaane iswiidhish ama ajnabi, muslin ama aan ahayn, waa dad xeerka raaca.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
01/09/2023 Duration: 03minInta lagu guda jiray xagaagii, tirada muwaadiniinta Ciraaq ee ku jira goobaha laysku hayo ka hor tarxiilka ee sugaya masaafurinta ayaa kordhay. Qarashka booliska kaga baxay falalka gubista kitaabka Qur'aanka ee guud ahaan dalka ayaa ilaa iyo imminka ah 2,5 milyan oo karoon. Shirkada tareenada ee SJ waa mid ka mid ah shirkadaha dawliga ah ee bixiya adeega tareenka isla markaana ka hawl gala soomaali badan qabtana shaqooyin kala duwan.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
31/08/2023 Duration: 02minXisbiga Socialdemokraterna ayaa doonaya in xukuumaddu ay baarto haddii ay suurtagal tahay in la mamnuuco gubista kitaabka Qur'aanka. Saddex kiis oo jadeeca ah ayaa laga helay gobolka Stockholm toddobaadyadii ugu dambeeyay. Sideed ka mida tobankii arday ee waxbarashada fasalka sagaalaad ee iskuulka Fittjaskolan ee magaaladda Stockholm ayaa sannadkan iskuulka kaga baxay natiijaddii ugu wanaagsaneed ee sannad dugsiyeed ee iskuulka tan iyo 2021.