Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ahAnsvarig utgivare: Olle Zachrison
Episodes
-
Wararka maanta iyo Sweden
29/11/2024 Duration: 02minHay'adda saadaasha hawada - SMHI, ayaa soo saartaa digniin jaale ah oo ku saabsan silbasho baraf galabta manta iyo berrito oo sabti ah. Dadka lagu leeyahay deeymaha ardayda ayaa ah inay bixiyaan wax yar oo dheeraad ah sanadka soo socda. Qarax ayaa ka dhacay guri dabaq ah oo ku yaala xafaadda Kungsholmen ee magaalada Stockholm arroornimadii hore ee jimcaha.
-
Wararka maanta iyo Sweden
28/11/2024 Duration: 02minNin xubin sare ah oo ka tirsan shabakada dambiilayaasha ee Foxtrot oo dib loogu celinayo Iswiidhen. Baarlamaanka oo 'HAA' ku aqbalay soo jeedinta xukuumadda ee la xirriirta in la ogolaado in aan la magacaabin markhaatiga inta lagu guda jiro baaritaanada hordhaca ah iyo kiisaska dambiyada. Dhaqaalaha Iswiidhen oo ay ka muuqdaan calaamado soo kabasho ah, sida uu qabo machadka dhaqaalaha ee dawladda.
-
Wararka maanta iyo Sweden
27/11/2024 Duration: 02minBaarlamaanka Midowga Yurub ayaa maanta oo arbaco ah ugu codeeyay 'haa' guddiga cusub ee Yurub. Booliska ayaa baaraya labo qarax oo xalay labo magaalo ka kala dhacay. Ganacsiga badeecadaha ama alaabaha gacan labaadka ama second-hand ayaa sii kordhaya.
-
Wararka maanta iyo Sweden
26/11/2024 Duration: 01minTirada dadka ku dhaca wadna istaaga degdega ah ayaa ku sii socota inay hoos u dhacdo. Subaxnimadii Isniinta, ayaa heerkulka magalada Göteborg ka jiray lagu cabiray 14.0 digrii. Tess Olofsson ay noqon doonta garsooraha joogtada ah ee horyaalka ragga ee Iswiidhen bilowga xilli ciyaareedka soo socda.
-
Wararka maanta iyo Sweden
25/11/2024 Duration: 02minDhulgariir ayaa axadii ka dhacay baliga Vänern, ee ku yaalla koonfurta magaalada Karlstad. Wiil toban jir ah ayaa ku qarqamay barkad ku taal beerta madaddaalada ee Skara sommarlands xagaagan. Inta lagu jiro toddobaadka qiimo dhimista ee loo yaqaan Black Week, ayaa jira cadaadis badan oo saaran darawalada gawaarida yar yar ee xamuulka.
-
Wararka maanta iyo Sweden
22/11/2024 Duration: 02minWeriyaha ka hawl gasha Raadiyaha Iswiidhen ee qaabilsan Bariga Dhexe, Cecilia Uddén, ayaa ku guulaysatay abaalmarinta saxafiyiinta ugu weyn ee qeybta codka sanadka. Iswiidhen ayaa ka taageeri doonta wax soo saarka dalka Yukreeyn ee gantaalada riddada dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee riddada dheer. Seddex qof oo Iswiidhish ah ayaa midkiiba toban sano oo xarig ah lagu xukumay, xukunkaa oo lala xiriirinayo dil ka dhacay caasimadda Sarajevo ee dalka Bosnia.
-
Wararka maanta iyo Sweden
21/11/2024 Duration: 03minDuufaanta ka jirta gobolka Västerbotten ayaa la filayaa inay sii xoogeysato. Shan qof ayaa loo soo xiray tuhun ah in ay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay xaafadda Östermalm maalintii axadda. Ra'iisul wasaare Ulf Kristersson ayaa ka faallooday xogta ah in Ruushku uu markii ugu horreysay ku riday dhanka Yukreeyn robotka isaga kala goosha qaaradaha.
-
Wararka maanta iyo Sweden
20/11/2024 Duration: 02minMaxkamadda sare ayaa xaqiijisey xukunka maxkamadda racfaanka, halkaas oo lagu xukumay labo madax oo ka hawl galayay shirkadda daryeelka ee Attendo. Todobo qof ayaa dacwad lagu soo oogay inay siyaabo kala duwan ugu lug lahaayeen afduub oo loo geeystay wiil 17 jir ah xagaagan. Dadka isticmalaa tubaakadada ama waxa afka Iswiidhishka loogu yeero 'snus', ayaa caawimaad ka heli doona goobaha daryeelka caafimaadka si ay u joojiyaan isticmaalka.
-
Wararka maanta iyo Sweden
19/11/2024 Duration: 02minBaraf iyo roobab baraf wata oo la filayo In ka badan nus milyan ayaa wax ka iibsaday Shein iyo Temu iyo Qaar badan oo ka mid ah toogashooyinka dhimashada ayaa la xalliyaa
-
Wararka maanta iyo Sweden
18/11/2024 Duration: 02minEbba Busch oo dooneysa in dib loo eego xuquuqda codbixinta. Saddex qof ayaa loo xiray dilka Akalla. Tirada dhimashada shilalka waddooyinka oo hoos u dhacday.
-
Wararka maanta iyo Sweden
15/11/2024 Duration: 02minXukun ganaax oo ku dhacay xeer-ilaaliye qaraabe soke u ah hoggaamiye kooxeedka Ismail Abdo. Dalagga soo goay sannadka oo hooseeya. Baraf la fileyo inuu da'o.
-
Wararka maanta iyo Sweden
14/11/2024 Duration: 02minDhoofinta ciyaaraha kombiyuutarka ee Iswiidhan ayaa ka badan tan dharka iyo macdanta birta. Sicir-bararka oo kor ugu kacay 1.5 boqolkiiba. Haweeney loo diiday inay la baxdo magaca Marijuana (xashiish).
-
Wararka maanta ee Sweden
13/11/2024 Duration: 02minWiil siddeed jir ah ayaa ku dhintay goobta ciyaarta ee dugsiga - hadda waxaa la sii daayay maamule lagu waayey danbi wiilka ku dhintay iskuulka, Mushaarka cusub ee xildhibaannada baarlamaanka. Dalab: hogaamiyeyaasha xisbiyo dhowra ah oo dalbaday in laga wada hadlo Trump.
-
Wararka maanta iyo Sweden
12/11/2024 Duration: 01minShaqo laaanta oo kordhaysa Hal qof ayaa dhintay kadib toogasho ka dhacday magaalada Malmö. Nidaamka diiwaanka shaashadda gobolka Västra Götaland oo hawada ka baxay.
-
Wararka maanta iyo Sweden
11/11/2024 Duration: 02minNin lagu soo oogay dacwad laba-dil ah. Waraaqaha xafiiska canshuuraha ayaa fashiliya qofka iska dhigaya inuu ku nool yahay gurigaaga. Nordea uma baahna inay magdhow siiso macmiil la khiyaameeyay.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan
08/11/2024 Duration: 02minLabo wiil oo Iswidhish ah oo rummaanka la dhigey. Ururka shaqaalaha Unionen ayaa balaarinaya shaqo joojintii uu ku hayayTesla. Qoysaska Iswidhishka ayaa wali ka digtoonow wax-iibsiga.
-
Wararka maanta iyo Sweden
07/11/2024 Duration: 03minNin lagu rasaaseyey Kista. Nin ka tirsan kooxaha gaangiska oo si khaldan shaqo uga heley xafiiska arrimaha bulshada. Haweenka oo ragga uga badan waxbarashada jaamacadaha.
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Sweden
06/11/2024 Duration: 02minRaii'sul wasaare Ulf Kristersson ayaa ugu hambalyeeyay guushii Donald Trump ka dib doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday Mareykanka. Saddex qof ayaa dacwad lagu soo oogay, midaasi oo la xiriirta qarax qorsheysan oo ka dhan ah shirkadda qalabyada difaaca ee Elbit Systems ee ku taalla magaalada Göteborg. Dukaanka dharka iiibiya ee lagu magacaabo H&M ayaa shaqa joojin ku ogeeysiiyay 140 ka mid ah 330 shaqaalaha kaga hawl galayeey bakhaarka ay ku leeyiiin magaalada Eskilstuna.
-
Wararka maanta iyo Raadiyaha Sweden
05/11/2024 Duration: 02minLaanta adeega bulshada ee degmeda Botkyrka ayaa xiran maanta oo talaada ah, ka dib markii dhowr qof oo shaqaale ah loo hanjabay. Aagga amniga ee booliiska Norrköping ay ku soo rogeen xagaagan xaafadda Hageby ee degmada Norrköping ayaa lahayd sameeyn amni abuurtay iyo ka hortag dembiyada. Qiimaha cunnada ayaa korodhay 0.2 boqolkiiba bishii oktoobar ee sannadka, sida lagu muujiyay tirokoobyada cusub ee shabakadda madax-bannaan ee Matpriskollen.
-
Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden
04/11/2024 Duration: 02minDhalinyaro badan oo qaangaar ah ayaa iska indha tira booqashada dhakhtarka ilkaha, sida ku cad tirooyin ka soo baxay heyadda hoggaanka bulshada. Cayaar socotay 13 saacadood, 37 daqiiqo iyo 6 sekan. Haweeney ku nool gobolka Skåne ayaa lagu xukumay kicinta qowmiyadeed iyo aflagaado daran oo ay u geysatay wiilkii ku soo caan baxay iibinta ubaxa bisha Maajo isla markaana uruuriyay in ka badan shan milyan oo karoon.