Synopsis
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episodes
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga 2 April 2026
02/04/2026 Duration: 05minHalkan ka dhegesyo warkii maanta ee Australia iyo caalamka
-
Eeygu ma saaxiibka ugu daacadsan ee Bini-aadamkaa? Maxay ka tiri Cilmi-baarista Cusubi?
01/04/2026 Duration: 04minCilmi-baarayaal baadhay hiddo-side aad u da' weyn oo Eey , ayaa ogaaday inay dadka la noolaayeen qiyaastii 16,000 oo sano ka hor, waqtigaas oo aad uga horreeyay intii aan la bilaabin beerashada iyo dhismaha magaalooyinka.
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga Arbaco 1 April 2026
01/04/2026 Duration: 09minWarka maanta waxaa ka mid ah: Raqiisinta shidaalka oo laga yaabo inay dhaqan gasho horraanta toddobaadka dambe iyo NASA oo fasaxday dayax-gacmeed bani-aadam saaran yahay oo kusoo wareegi doona dayaxa
-
Somalia News: Warka Soomaaliya ee Arbaca 1 April 2026
01/04/2026 Duration: 11minWarka Soomaaliya maanta wuxuu ku saabsan yahay is-beddelkii ka dhacay dowlad-goboleed Koonfur Galbeed ee Soomaalia iyo madaxweynaha Puntland Saciid Abdillahi Deni oo sameeyey isku-shaandheyn wasiirro.
-
Dayaxa oo dib loogu noqonayo: Maxaa isbeddeley 50 sano ka dib?
31/03/2026 Duration: 09minBini-Aadamka ayaa markii ugu horreysay tan iyo sannadihii 1970-yadii dib ugu laabanaya Dayaxa. Afar xubnood oo duuliyeyaal ah ayaa muddo ka badan labo sano u tababaranayay, hawlgal qaadan doona ku dhowaad 10 maalmood, kaas oo dayax-gacmeed loogu diri doono hawada. Dayax gacmeedka ayaa isagoo xawaare dheereeya ku socda kusoo wareegi doona dayaxa , ka dibna ugu soo laaban doona dhulka.
-
Qarammada midoobey oo ka digey miinooyinka dhulka iyo dalal ka baxaya heshiiskii
31/03/2026 Duration: 05minEthiopia, oo ku jirtey xaalad dagaal in ka badan soddon sannadood qarnigii u dambeeyay, ayaa ka mid ah waddamada ay adduunka ugu badan yihiin haraaga miinooyinka dhulka lagu aaso.
-
SBS News Somali: Warka Talaado 31 March 2026
31/03/2026 Duration: 04minHalkan ka dhegeyso qodobbadii ugu door roonaa ee warka Australia iyo caalamka.
-
Digniino ku saabsan cawaaqib-xumo aan loogal talagalin oo ka dhalan karta xayiraadda socdaalayaasha Iiraan
30/03/2026 Duration: 08minAustralia ayaa xannibaad lix bilood ah ku soo rogtay muwaadiniinta Iiraan ee haysta fiisaha booqashada. Khubarada ayaa ka digaya in tallaabadani ay tusaale xun u noqon karto nidaamka socdaalka Australia, gaar ahaan xilliyada ay dhacaan iskahorimaadyada caalamiga ah.
-
SBS News Somali: Warka Isniin 30 March 2026
30/03/2026 Duration: 05minWarka maanta oo Isniin ah waxaa ka mid ah: Ninkii baxsadka ahaa ee horey loogu eedeeyey dilkii labo askari oo booliiska Victoria ka tirsan, Dezi Freeman, oo saaka booliisku toogasho ku dileen.
-
SBS Somali Program Friday: Barnaamijkii Jimce 27 March 2026 oo dhammaystiran
29/03/2026 Duration: 52minHalkan ka dhegeyso barnaamijkii Jimce 27 March 2026 oo dhammaystiran. Ma laha xayaysiis iyo muusig.
-
SBS News Somali: Warka Jimcaha 27 March 2026
27/03/2026 Duration: 09minHalkan ka dhegeyso wararkii ugu dambeeyey ee Australia iyo caalamkaba.
-
Somalia News: Warkii Soomaaliya Jimce 27 March 2026
27/03/2026 Duration: 08minHalkan ka dhegeyso: Warkii Soomaaliya ee Jimce 27 March 2026
-
Masiibada tamarta ee innagu soo dhow iyo dhibaatada ba'an ee ay horseedayso
26/03/2026 Duration: 09minHay’adda Tamarta Caalamiga ah (IEA) ayaa ka digaysa qoto-dheeraanta dhibaatada tamarta ee soo fool leh, xilli uu sii xoogaysanayo dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iran.
-
Diiwaanka kuleylka oo jabay iyo cimilo ba'an: Khubaro qaylo-dhaan ka soo saaray xaaladda aduunka
26/03/2026 Duration: 10minWaxaa adduunka hadda soo martay, 11-kii sano ee ugu kululaa ee abid la diiwaan geliyo. Warbixin cusub oo ku saabsan cimilada ayaa ka digaysa, in adduunka aynu ku noollahay sii kululaanayo. Maxayse uga dhigan tahay reer Australia?
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga Khamiis 26 March 2206
26/03/2026 Duration: 04minWarka maanta waxaa ka mid ah, xildhibaan Barnaby Joice oo ka tirsan xisbiga One Nation oo dowladda usoo jeediyey inay shidaalka qoondeyso iyo qodobbo kale.
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga Arbaco 25 March 2026
25/03/2026 Duration: 12minHalkan ka dhegeyso wararkii ugu dambeeyey ee Australia iyo caalamka ee Arabaco 25 March 2026.
-
Somalia News: Warka Soomaaliya Arbaco 25 March 2026
24/03/2026 Duration: 09minHalkan ka dhegeyso warkii Soomaaliya oo ku saabsan waan-waan laga dhex wado dhinacyada iska soo hor-jeeda ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Siyaasiyiin iyo dowladda dhexe.
-
Sida uu dagaalka Bariga Dhexe u dhalinayo walaac ku saabsan ammaanka cuntada
24/03/2026 Duration: 09minDagaalku wuxuu si xun u carqaladeeyey qulqulkii bacriminta (fertiliser) ee ka imaan jiray Bariga Dhexe, taas oo dhalisay walaac ku saabsan saameynta ay ku yeelan karto wax-soo-saarka iyo sugnaanta cuntada gudaha ee Australia.
-
Xisbiga One Nation oo kursigii ugu horreeyey ka helay aqalka hoose ee South Australia
24/03/2026 Duration: 07minDoorashadii dhowaan ka dhacday gobolka South Australia ayaa dhalisay dhibaato siyaasadeed oo heer federaal ah, ka dib markii uu xisbiga One Nation ka fara-maroojiyey xisbiga Liberal-ka, booskii mucaaradka rasmiga ah. Tani waa guushii ugu weynayd ee uu xisbigaasi gaaro muddo ku dhow 30 sano
-
SBS News Somali: Warka Soomaaliga Talaado 24 March 2026
24/03/2026 Duration: 05minAustralia iyo Midowga Yurub oo kala saxeexday heshiish dhinanyo badan. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo sheegay inay wada-hadallo u socdaan Iran, iyo Iran oo beenisay.