Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen
Wararkii Maanta ee Raadiyaha Iswiidhen
- Author: Vários
- Narrator: Vários
- Publisher: Podcast
- Duration: 0:03:11
- More information
Informações:
Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wiilkii 15 jirka ahaa ee toogashadda ka geeyestey xarun laga dukaameysto ee ku tiilay magaaladda Malmö, ayay hooyadii dhowr jeer qeylo-dhaan gaarsiisay hay'addaha adeega bulshada iyo ciidanka booliiska si la mid ah, sidii ay sameysay hooyada wiilkii 17-jirka ahaa ee toogashada ku dilay askarigii booliiska magaalada Göteborg bishii luulyo 2021 Qiyaas gaarsiisan 50 boqolkiiba falalka toogashooyinka ee ka dhaca deegaan-dambiyeedka gaangiska ayuu xukun ku dhacaa marka maxkamadda la hor geeyo, sida ay ku soo warrantay laanta Uppdrag granskning ee idaacadda SVT oo baaris ku sameeysay 900 oo dacwadood oo afartii sannadood ee ugu dambeeyey iyo iskuul laga xiray kushinkii cuntada loogu karin jirey oo noqotay goob jiir ku noole ah.