Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen
Wararka Maanta ee Radiyaha Iswiidhen
- Author: Vários
- Narrator: Vários
- Publisher: Podcast
- Duration: 0:03:24
- More information
Informações:
Synopsis
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah 220 arday ee dhigata dugsiga dhexe ee "Nya Raketskolan" ee ku yaalla Kiruna ayaa loo oggolaaday inay guriga joogaan ka dib markii ururka macallimiinta ay codsadeen in la' joojiyo howlaha Iskoolkan, sababtoo ah waxay rumaysan yihiin in caafimaadka shaqaaluhu khatar ku jiro. Wadahadallada u dhaxeeya "afarta xisbi ee raba in ay beddelaan xukuumadda xisbiga Socialdemokraterna ay hoggamiyaan ayaa wadda wadahadalladoodii "qaab wax dhisid ah, sida qorshuhu yahay", ayuu xoghayaha xisbiga Moderaterna Gunnar Strömmer u sheegay saxafiyiinta isugu yimid xarunta xisbiga ee Stockholm. Hay'adda qaan soo celinta Iswiidhen Kronofogden ayaa masaafo kaga qaadi kartaa dadka deymaha lagu leedahay iyada oo aan looga shakin dembi la taaban karo.